Shaxda Rasmiga Ah Ee England vs Ukraine – Jadon Sancho & Mount Oo
Xulka qaranka England ayaa waajahaya dhiggiisa Ukraine oo ay ku wada ciyaarayaan magaalada Rome ee waddanka Talyaaniga, halkaas oo xiddigaha Ingiriisku ay gaadheen Jimcihii shalay.
Tababare Gareth Southgate ayaa isbeddello waaweyn ku sameeyey safkiisa, waxaanu markii ugu horreysay kusoo bilaabay xiddiga garabka weerarka ee Jadon Sancho oo ay u tahay ciyaartii ugu horreysay ee uu kasoo muuqdo safka hore.
Sancho ayaa ka garab ciyaaraya labada xiddig ee sida joogtada ah ugu soo bilaabanayay ee goolasha xulku ka dhaliyey tartankana saxeexay ee Raheem Sterling iyo Harry Kane.
Waxa kale oo xulka England dib ugu soo noqday Mason Mount oo karantiil la geliyey kulankii Scotland kaddib, waxaanay khadka dhexe wada taagan yihiin Kalvin Phillips iyo Declan Rice.
Khadka difaaca ayaanu wax isbeddel ahi ku imanin oo ay wada taagan yihiin Harry Maguire, Luke Shaw, John Stones, Kyle Walker iyo Jordan Pickford.
Ukraine ayaa waxa iyagana uu Andriy Shevchenko kusoo bilaabay Yaremchuk oo ay iskaashanayaan Yarmolenko, halka uu Zinchenko oo wacdaro dhigay ciyaartii u dambaysay uu ka mid yahay laacibiinta guusha riyada ah laga sugayo.
Shaxaha rasmiga ah ee England vs Ukraine
UKRAINE XI: Bushchan, Zabarnyi, Kryvtsov, Matviyenko, Karavayev, Sydorchuk, Shaparenko, Zinchenko, Mykolenko, Yarmolenko, Yaremchuk.
Kaydka: Sobol, Sudakov, Stepanenko, Marlos, Pyatov, Makarenko, Tsygankov, Bezus, Zubkov, Trubin, Tymchyk, Dovbyk.
ENGLAND XI: Pickford, Walker, Stones, Maguire, Shaw, Phillips, Rice, Sancho, Mount, Sterling, Kane.
Kaydka: Grealish, Henderson, Rashford, Trippier, Ramsdale, Mings, Coady, Calvert-Lewin, Foden, Chilwell, Johnstone, Bellingham.