Shaxda Rasmiga Ah Ee England vs Italy – Miyey Keeneen Shaxihii Lasii

Xulalka Ingiriiska iyo Talyaaniga ayay ciyaartoydoodu ku sugan yihiin gudaha garoonka Wembley Stadium oo ay ku samaynayaan iskululayn waxyar ka hor ciyaartooda finalka Euro 2020.

Ingiriiska oo aan waligii imanin finalka Euro ayaa waajahaya Talyaaniga oo sannadkii 2012 semi-finalka ku garaacay, laakiin Spain oo ay finalkii isku heleen ay iyagana koobka ka qaadday.

Warbaahinta adduunyada ayaa maanta sii daabacday shaxo ay ku sheegeen in loosoo dusiyey oo ay caawa labada xul ku ciyaari doonaan, laakiin jamaahiirta ayaa sugayay xaqiiqada kama dambaysta ah ee safafka ay qaramadoodu ku dagaallamayaan.

Garoonka Wembley oo ay joogaan in ka badan 60,000 taageereyaal ah oo u badan Ingiriis ayuu xulka qaranka England ka rajaynayaa inay ka caawiyaan in ay koobkoodii u horreeyey ku guuleystaan muddo 55 sannadood ah, halka Talyaaniguna ay tiro yar oo sawaxan badan usoo safreen London oo ay yimaaddeen garoonka.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ciyaarta kusoo bilaabay shaxdii maanta aanu sii qornay oo aan waxba laga beddelin, waxaanu awoodda saaray difaaca oo uu iskugu geeyey shan ciyaartoy.

Harry Maguire, John Stones, Shaw, Walker iyo Trippier ayaa kusoo wada bilowday, waxaana ka horreeya oo dhexda wada taagan Rice iyo Kalvin Phillips halka ay weerarkana joogaan Harry Kane iyo Raheem Sterling oo uu taakulaynayo Mason Mount.

Roberto Mancini ayaa isaguna shaxdii maanta aanu sii qornay oo aan waxba laga beddelin, taas oo ah isla safkii uu kula ciyaaray Spain.

Shaxaha rasmiga ah ee England iyo Italy

ENGLAND XI: Pickford, Walker, Stones, Maguire, Trippier, Rice, Phillips, Shaw, Mount, Sterling, Kane.

Kaydka: Grealish, Henderson, Rashford, Ramsdale, Mings, Coady, Sancho, Calvert-Lewin, Johnstone, James, Saka, Bellingham.

ITALY XI: Donnarumma, Di Lorenzo, Bonucci, Chiellini, Emerson, Verratti, Jorginho, Barella, Chiesa, Immobile, Insigne.

Kaydka: Sirigu, Meret, Locatelli, Belotti, Berardi, Pessina, Acerbi, Cristante, Bernardeschi, Bastoni, Florenzi, Toloi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More