Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea vs Brighton – Tuchel Oo Isbeddello Badan

Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge kusoo dhoweynaysa Brighton, iyadoo ay u dhan yihiin xiddigaheeda oo ay wada taam yihiin marka laga reebo laacibka reer Brazil ee Thiago Silva oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii semi-finalka FA Cup ee ay Manchester City kaga soo badiyeen Sabtidii.

- Advertisement -

Thomas Tuchel ayaa ciyaarta caawa kusoo bilaabay Kurt Zouma oo difaaca dhexe kala ciyaaraya Andrea Christensen iyo Rudiger, waxaana khadka dhexe taagan James, Jorginho, Mason Mount, iyo Alonso.

Hakim Ziyech ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah kusoo bilowday afka hore kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee uu sameeyey kulankii Man City, waxaanay afka hore wadaagayaan Kai Havertz iyo Christan Pulisic.

Kaydka ayay ku jiraan N’Golo Kante iyo Timo Werner oo qaab ciyaareed wanaagsan muujiyey kulankii u dambeeyey, waxaana kaydka la wadaagaya Olivier Giroud, Hudson-Odoi, Chilwell, Gilmour, Azpilicueta iyo Emerson, halka uu liiska kooxda ka maqan yahay weeraryahanka reer England ee Tammy Abraham.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

CHELSEA XI: Arrizabalaga, Zouma, Christensen, Rudiger, James, Jorginho, Mount, Alonso, Ziyech, Havertz, Pulisic.

Kaydka: Mendy, Kante, Werner, Grioud, Hudson-Odoi, Chilwell, Gilmour, Azpilicueta, Emerson.

BRIGHTON XI: Sanchez, Veltman, Webster, Dunk, Burn, White, Bissouma, Gross, Mac Allister, Trossard, Welbeck.

Kaydka: Steele, Maupay, Lallana, Moder, Alzate, Jahanbakhsh, Izquierdo, Propper, Zeqiri.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More