Shaxda Rasmiga Ah Ee Burnley vs Liverpool – Klopp Oo Xiddigihiisa Ugu

Liverpool ayaa ku sugan garoonka Turf Moor oo ay kula ciyaarayso Burnley kulan xaasaasi ah oo ay u baahan yihiin guul qasab ah, si ay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League usoo geli karaan.

- Advertisement -

Jurgen Klopp ayaanay kooxdiisu lumin karin wax dhibco ah, haddii ay dhacdana rajadooda afarta sare iyo fursaddii ay ugu soo bixi lahaayeen Champions League dhibaato weyn ayaa soo gaadhi doonta.

Saddexda weeraryahan ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa kusoo wada bilowday afka hore, iyadoo uu dhaawac ku maqan yahay Diogo Jota oo ay kooxdu filayso in uu usoo laabto kulanka ugu dambeeya horyaalka Premier  League ee Axadda.

Fabinho iyo Thiago Alcantara ayaa khadka dhexe kusoo wada bilowday, waxaana kula soo biiray Georgino Wijnaldum oo kulankii hore waqti dambe beddel ku yimid, halka  difaacana ay labada da’yar ee Williams iyo Phillips ay wada taagan yihiin, kuwaas oo garbaha ay ka xigaan Alexander-Arnold iyo Andy Robertson.

Kaydka Liverpool ayay ku jiraan Origi oo kasoo laabtay dhaawac, Shaqiri, Jones, Milner, Chamberlain iyo kuwo kale.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

 

LIVERPOOL XI: Alisson, Alexander-Arnold, Phillips, Williams, Robertson, Thiago, Fabinho, Wijnaldum, Salah, Firmino, Mane.

Kaydka: Adrian, Milner, Oxlade-Chamberlain, Jones, Tsimikas, Shaqiri, Origi, Williams, Koumetio.

BURNLEY XI: Norris, Lowton, Tarkowski, Mee, Taylor, Brownhill, Cork, Gudmundsson, Westwood, McNeil, Wooden.

Kaydka: Peacock-Farrell, Barnes, Rodriguez, Pieters, Vydra, Nartey, Dunne, Richardson, Glennon.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More