Shaxda Rasmiga Ah Arsenal vs Everton – Mikel Arteta Oo Afar Ciyaartoy
Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates waxay ku qaabbilaysaa Everton, kulan labada kooxoodba si aad ah u raadinayaan guul badbaado u noqon karta xilli ciyaareedkooda oo ay ugu dhowaan karaan naadiyada ka horreeya.
Mikel Arteta ayaa siddeed isbeddel ku sameeyey safkii uu ku ciyaaray kulankii Fulham ee Axaddii barbarraha 1-1 ay galeen, waxaana uu ciyaartan kabtan ka dhigay Rob Holding. Kaliya Granit Xhaka, Dani Ceballos, Bukayo Saka iyo Emile Smith Rowe ayaa soo noqday safkii Fulham la ciyaaray.
Tababaraha Everton ee Carlo Ancelotti ayaa isaguna saddex beddel ku sameeyey safkii uu usbuucan horraantiisii kula ciyaaray Tottenham oo ay wada galeen barbarro 2-2, waxaana uu kaydka u diray Michael Keane, Alex Iwobi iyo Tom Davies, kuwaas oo ay beddeleen Seamus Coleman, Andre Gomes iyo Dominic Calvert-Lewin oo dhamaantood kasoo laabtay dhaawac.
Yerry Mina, Fabian Delph iyo Bernard ayaa iyaguna kaydka ku jira.
Shaxaha Rasmiga ah ee labada kooxood
ARSENAL XI: Leno, Chambers, Holding, Mari, Xhaka, Partey, Ceballos, Saka, Smith Rowe, Pepe, Nketiah.
Kaydka: Ryan, Bellerin, Gabriel, Odegaard, Willian, Soares, Nelson, Elneny, Martinelli.
EVERTON XI: Pickford, Coleman, Keane, Holgate, Godfrey, Allan, Gomes, Sigurdsson, Digne, James, Richarlison, Calvert-Lewin.
Kaydka: Olsen, Delph, King, Mina, Iwobi, Nkounkou, Bernard, Davies, Broadhead.