Shaxda Rasmiga Ah Actual Madrid vs Chelsea – Yaa Kusoo Bilowday Madrid,
Actual Madrid iyo Chelsea ayaa ku sugan garoonka Alfredo Di Stefano oo ay ku wada ciyaarayaan lugta hore ee semi-finalka Champions League, waxaanay labada tababare soo safeen shaxo adag oo ay ugu dagaallamayaan in mid walba uu dhinaciisa u helo guusha.
Labada kooxood oo usbuuca dambe ku kala bixi doona garoonka Stamford Bridge ee magaalada London ee Chelsea, waxa uu Zinedine Zidane kaydka dhigay xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard oo uu u diiday fursad uu kaga hor tegi lahaa kooxdiisii hore, waxaana uu ka doorbiday Marcelo oo uu ka ciyaarsiiyey garabka bidix.
Zidane ayaa isbeddello ku sameeyey safkiisa, waxaana uu kusoo wada bilaabay Toni Kroos oo afar ciyaarood dhaawac ku seegay, Luka Modric iyo Casemiro, hase yeeshee afka hore ee weerarka ayay wada taagan yihiin Karim Benzema iyo Vinicius Junior.
Difaaca ayuu Zidane awoodda saaray, waxaana uu kusoo wada bilaabay Nacho, Militao, Varane, Carvajal iyo Marcelo oo marna difaaca bidix caawinaya, marna hore ugu soconaya weerarka garabka midig.
Kaydka Los blancos ayay ku jiraan Marco Asensio, Eden Hazard, Isco, Rodrygo iyo ciyaartooyo kale.
Dhinaca Chelsea, waxa uu Thomas Tuchel soo celiyey shaxdii uu Sabtidii kaga badiyey West Ham, taas oo ay afka hore ka hoggaaminayaan Werner iyo Pulisic, halka khadka dhexena ay joogaan Mason Mount, Kante, Jorginho iyo Chilwell.
Difaaca ayay kusoo wada bilowdeen Azpilicueta, Christensen, Rudiger iyo Thiago Silva.
Kaydka Chelsea ayay kasoo muuqdaan Alonso, James, Zouma, Havertz, Ziyech, Giroud iyo xiddigo kale.
Shaxaha Rasmiga ah ee labada kooxood
REAL MADRID XI: Courtois, Marcelo, Nacho, Militao, Varane, Carvajal, Casemiro, Modric, Kroos, Vinicius, Benzema
Kaydka: Lunin, Altube, Hazard, Asensio, Odriozola, Isco, Mariano, Rodrygo, Arribas, Blanco, Miguel
HELSEA XI: Mendy, Azpilicueta, Christensen, Rudiger, Silva, Chilwell, Jorginho, Kanté, Mount, Werner, Pulisic
Kaydka: Kepa, Caballero, Alonso, Palmieri, James, Zouma, Gilmour, Havertz, Hudson-Odoi, Ziyech, Abraham, Giroud