Shaxda Arsenal – Chelsea – Lampard

Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates ku martigalin doonta kooxda Chelsea waxayna Gunners raadinaysaa guul kadib shan guuldaro iyo saddex barbaro sideedii kulan ee ugu dambeeyay.

Tababare Mikel Arteta ayaa bilaabay shax uu hogaaminayo Lacazette kaas oo ka soo laabtay dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay ciyaartii Man City.

Saka, Martinelli iyo Lacazette ayaa ka soo wada bilaabay dhanka hore labadaba, iyo waliba joogitaanka khadka dhexe ee Xhaka, Elneney Smith iyo Rowe, halka difaaca uu ciyaari doono Mari oo maalmahan aan la arkin, Tierny, Holding iyo Hellerin.

Chelsea ayaa heysata koox xoogan iyadoo Ben Chilwell uu ka soo laabtay dhaawac, Thiago Silva, Kurt Zouma, James iyo Mendy.

Dhammaantood waxay ku jiraan safka,  khadka dhexe N’Golo Kante, Mount Mason iyo Kovacic, halkaasoo uu weerarkuna yahay Christian Pulisic, Timo Werner iyo Tammy Abraham.

Shaxda rasmiga ah ee labada koox

XI: Arsenal, Leno, Bellerin, Holding, Mari, Tierney, Elneny, Xhaka, Smith Rowe, Martinelli, Saka, Lacazette.

Kaydka: Runarsson, Cedric, Mustafi, Maitland-Niles, Ceballos, Willock, Pepe, Nketiah, Aubameyang.

CHELSEA XI: Mendy, James, Zouma, Silva, Chilwell, Kante, Kovacic, Mount, Pulisic, Werner, Abraham.

Kaydka: Kepa, Rudiger, Azpilicueta, Emerson, Gilmour, Jorginho, Havertz, Hudson-Odoi, Giroud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More