Shaxaha Rasmiga Ah Ee France vs Switzerland – Deschamps Oo Isbeddel Ku
Xulka qaranka France ayaa waajahaya Switzerland, waxaanu Didier Deschamps la shir yimid shaxdiisii ugu adkayd iyadoo uu isbeddel ku sameeyey xiddigihii uu kula ciyaaray Portugal usbuucii hore.
Difaaca Barcelona ee Linglet ayaa kusoo garab bilowday Raphael Varane iyo Kimpembe, waxaanay ku ciyaarayaan saddex difaac, halka Pavard lagu daray khadka dhexe oo uu caawin doono Pogba, Kante iyo Rabiot oo dib usoo laabtay kaddib dhaawac uu ku seegay kulankii Portugal.
Afka hore ee weerarka ayay wada taagan yihiin Antoine Griezmann, Karim Benzema iyo Kylian Mbappe.
Xulka qaranka Switzerland ayaa waxa iyagana hoggaaminaya Xherdan Shaqiri oo ay hortiisa taagan yihiin Embolo iyo Seferovic.
Khadka dhexe ayay ka wada ciyaarayaan Granit Xhaka, Zuber, Freuler iyo Widmer. Sida Faransiiska oo kale ayay saddex difaac kusoo galeen, waxaana wada taagan Elvedi, Ekanji iyo Rodriguez.
Shaxaha rasmiga ah ee France vs Switzerland
FRANCE XI: Lloris, Pavard, Kimpembe, Varane, Lenglet, Pogba, Kante, Rabiot, Griezmann, Mbappe, Benzema.
Subs: Mandanda, Maignan, Lemar, Giroud, Tolisso, Zouma, Sissoko, Coman, Hernandez, Ben Yedder, Dubois, Thuram.
SWITZERLAND XI: Sommer, Rodriguez, Elvedi, Akanji, Widmer, Freuler, Xhaka, Zuber, Shaqiri, Embolo, Seferovic.
Subs: Mvogo, Kobel, Mbabu, Zakaria, Vargas, Sow, Fassnacht, Benito, Mehmedi, Gavranovic, Fernandes, Schar.