SHARRAXAAD BUUXDA: Fursadda Liverpool Ugu Soo Bixi Karto Champions
Liverpool ayaa si dhab ah usoo noolaysay fursadda ay ugu soo bixi karayso tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, kaddib markii ay 4-2 ku karbaashtay Manchester United oo ay xalay ugu tagtay Outdated Trafford.
Reds ayaa guul weyn kasoo gaadhay kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Manchester United, waxaanay ka daba yimaaddeen Crimson Devils oo gool la hormartay daqiiqaddii 10aad kaas oo ahaa kubbad uu soo laaday Bruno Fernandes oo uu goolkiisa ku leexiyey Nat Phillips.
Inkasta oo gool lagala hormaray, haddana Liverpool ayaa qaybta hore ku dhamaysatay iyadoo hoggaanka haysa kaddib gool uu cidhib ku dhaliyey Diogo Jota iyo madax awood badan oo Roberto Firmino uu kubadda ku dhaafiyey Dean Henderson.
Firmino ayaa gool kale u saxeexay Liverpool ka hor intii aanu Marcus Rashford goolka labaad u keenin United kaas oo uu ka saii dambeeyey Mohamed Salah oo dhamaadkii ciyaarta dhaliyey goolka afraad.
Natiijadan ayaa waxay ka dhigan tahay, in Liverpool ay u dhow dahay in ay xaqiijisato booskeeda tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana kaliya ay u baahan tahay in kulamadeeda ay guuleysato.
Xaaladda ugu xun ee Liverpool ay geli karto ayaa waxay tahay, in ay isku dhibco noqon doonaan Leicester Metropolis oo hadda kaalinta saddexaad fadhida, laakiin waa haddii Liverpool ay soo badiso dhamaan saddexda kulan ee uga hadhay horyaalka Premier League oo ay la kala ciyaari doonto West Brom iyo Burnley oo Anfield ugu imanaya iyo Cyrstal Palace oo ciyaarta ugu dambaysa ay u tegi doonto.
Sababta ah in Leicester ay u tegayso Chelsea Salaasada toddobaadkan, saddex maalmood kaddib marka ay foodda isku daraan Finalka FA Cup, waxa Liverpool halkaas ay ka heli doontaa fursad ah in ay midkood ama labaduba ay dhibco lumin doonaan taas oo fursad dahabi ah u noqon doonta Liverpool.
Liverpool waxay kulankeeda ugu soo horreeya la ciyaaraysaa West Brom oo u degtay heerka labaad, waana kulan baaqi u ahaa, haddii ay saddexdaas dhibcood helaanna, waxay hal dhibic u jirsanayaan Chelsea iyo saddex ay u jirayaan Leicester.
Salaasada oo ay ciyaaruhu hal mar wada bilaabmi doonaan, ayay Liverpool gaadhi kartaa iyadoo Burnley la ciyaaraysa, balse eegaysa natiijada ciyaarta adag ee Chelsea iyo Leicester Metropolis. Haddii Blues laga badiyo, Liverpool ayaa dhaafi doonta laba dhibcood. Haddii laga badiyo Leicester, Liverpool la dhibco ayay noqon doontaa, waxaana kaliya la eegi doonaa goolasha u dhexeeya. Haddii ay barbarro galaanna, Liverpool ayaa hal dhibic ka horreyn doonta Chelsea.
Ciyaarta ugu dambaysa xilli ciyaareedkan ee ay Liverpool la dheelayso Crystal Palace, waxa imtixaan kale sugayaa Chelsea oo la ciyaari doonta Aston Villa, halka madax-xanuunka ugu weyna u yaallo Leicester Metropolis oo marti gelin doonta Tottenham. Halkan ayaa sidoo kale ay Liverpool ka heli doontaa fursad.
Si kastaba, Liverpool lugteeda oo kaliya ayay kaga xidhan tahay rajadoodu, waxaanay u baahan yihiin in ay wada badiyaan saddexdooda kulan, laakiin Chelsea ayaa xoogaa fursad dhaanta Leicester Metropolis marka laga eego kulamada u hadhay koox walba.