Shaqsi U Dhaw Diego Maradona Oo Aan Wali Loo Sheegin

Tababarihii hore ee xulka qaranka Argentina ee Carlos Bilardo ayaan wali loo sheegin oo aan waxba ka ogayn geerida xiddigiisii hore ee Diego Maradona oo dhawaan da’da 60 sano jir ku qudh baxay.

Bilardo ayaa ahaa tababarihii Argentina ee koobkii aduunka ee 1986 markaas oo ay kusoo wada guuleysteen tartanka oo lagu qabtay dalka Mexico, sidoo kale xilli ciyaareedkii 1992/93 ayuu kusoo layliyay kooxda Sevilla.

Walaalka Bilardo oo lagu magacaabo Jorge ayaa sheegay dhawaan inaysan u sheegin wali warka naxdinta leh ee ah geerida Mara maadaama oo ay ka baqayaan inuu saameeyo caafimaadkiisa xilli toddobaadyo kahor uun xarun caafimaad.

Bilardo ayaa ah mid inta badan daawada TV-ga waxaana la filayaa inuu mar uun halkaas ka arki doono wararka sheegaya geerida ciyaaryahankiisii hore.

Jorge ayaa sheegay inay jareen xadhiga TV-ga oo ay u sheegeen Bilardo inay ciladu tahay dhinaca shirkadda TV-ga taas bedelkeedana uu muuqaalo taxane ah ka daawado mareegta “Netflix”

Jorge oo Cielo Sports u warramayay ayaa yidhi “(Geerida Maradona) waa wax TV-yada ka socday afar, shan amaba 20 maalmood taasina arrimaha ayay adkaynaysaa sababtoo ah Bilardo waxa uu daawadaa TV-ga iyo kulamo badan”

“Waxaan la hadlay (Oscar) Ruggeri waxaana uu la hadlayaa isagu (Bilardo) isaga iyo laba ama saddex kale (Oo ka tirsanaa Argentina 1986) si ay u arkaan sida uu yahay, waanu arki doonaa sida uu u falceliyo iyo waxa dhaca”

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More