SHANTA Xiddig Ee Ugu Caqliga Badan Taariikhda Kubadda Cagta Oo Cilmi

Inta ugu badan ciyaartoyda kubadda cagta caalamka ayaa ah kuwo lagu qiimeeyo taam ahaanshahooda, xawaarahooda iyo xirfadooda balse waxa jira kuwo kale oo hoggaanka ka haya dhinaca caqli badnaanta (IQ).

Baadhis ay haatan samaysay jaamacada Stockholm University ayay kusoo saartay 5% dadka ah ee ugu caqliga badan dunida waxaana kusoo baxay shan kamida xiddigaha ugu magaca dheer kubadda cagta.

1: Gerard Pique – Natiijadiisa Caqli Badnaanta (170)

Aan ku bilawnee booska 1-aad ayuu ku jiraa daafaca Barcelona ee Gerard Pique, 34 sano jirkaas ayaa hore 140 loogu qiimeeyay caqli badnaantiisa balse baadhis kale oo uu sameeyay ayuu aabihii ku sheegay in lagu qiyaasay markan 170.

Gerard ayaa booska 1-aad kala wareegay halyeeyga Chelsea ee Frank Lampard oo mudo dheer ahaa ciyaaryahanka ugu caqliga badan kubadda cagta, Pique ayaa xataa ka sarreeya saynisyahanka weyn ee Albert Enstien oo 160 qiimayntiisii ugu sarreysay ahayd.

2: Frank Lampard –  Natiijadiisa Caqli Badnaanta (150)

Lampard ayaa mudo kamid ahaa 0.5% qof ee ugu caqliga badan dunida oo dhan dad badan ayaana ku dooda in haddiiba uusan jeclayn kubadda cagta uu noqon lahaa xeel dheere arrimaha sayniska ah.

3: Mario Balotelli – Natiijadiisa Caqli Badnaanta (147)

Balotelli oo wakhti ahaa mid kamida xiddigaha ugu hibada badan kubadda cagta ayaa sidoo kale kamid ah shaqsiyaadka ugu caqliga badan dunida, Mario ayaa rekoodh 147 ah haysta walow aysan dabeecadihiisa shaqsiga ahi ahayn kuwa ugu fiican.

4: Juan Mata – Natiijadiisa Caqli Badnaanta (142)

Mata ayaa ah ciyaaryahan aad u caqli badan, kuliyada saxaafada ayuu wakhti ka bartay jaamacada Polytechnic ee magaalada Madrid isaga oo kamida xiddigaha kooban ee shahaadada heerka koowaad ee jaamacada haysta.

5: Petr Cech – Natiijadiisa Caqli Badnaanta (140)

Goolhayaha ugu shabaq ilaashiga badan taariikhda Premier  League kuna soo guuleystay afar Premier League, shan FA Cup, Europa League iyo Champions League, Cech ayaa daafacyada kasoo hor ciyaaray saddexda luqadood ee kala ah German, Slovak iyo Czech kula xidhiidhi karayay marka laga yimaado English-ka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More