Sergio Ramos Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Real Madrid Kaddib Markii Uu

Sergio Ramos ayaa si dadban u weeraray kooxdiisii hore ee Real Madrid kaddib markii uu u wareegay PSG oo uu heshiis laba sannadood ah u saxeexay Salaasadii.

Ramos ayaa ka tegay Los Blancos bishii hore, waxaanu soo afjaray 16 sannadood oo uu xidhnaa funaanadda cas ee Real Madrid, laakiin taasi kama joojin in uu gacanta geliyo kooxdiisa hore oo uu kusii tuuro ereyo turxaan leh.

35 jirkan ayay saxeexiisa isku dayeen kooxaha waaweyn ee Yurub sida Manchester United, Chelsea iyo Manchester City, laakiin waxa uu doortay PSG oo heshiis laba sannadood ah u bandhigtay.

Kaddib markii ay PSG si rasmi ah ugu soo bandhigtay warbaahinta, Ramos ayaa bartiisa bulshada ee Twitterka ku baahiyey sawirkiisa isagoo kor u haya shaadhka PSG oo ay ku qoran tahay ‘2023’ oo ah muddada uu soconayo heshiiskiisu.

Qoraal uu raaciyey sawirka ayaa waxa laga ururiyey dareen ah weerar uu ku qaadayo kooxdiisa hore, marka la eego ereyada uu isticmaalay oo lid ku ah kuwii uu hore u sheegi jiray.

Ramos ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “[PSG] waa halka ugu wanaagsan ee aad riyadaada kusii wadan karto, waa kooxda ugu wanaagsan ee guulaha wadan karta. Waxa aanu doonaynaa in aanu u dagaallanno wax kasta, wax walba waanu haysannaa. Allez PSG.”

Sergio Ramos oo hore u sheegan jiray in Real Madrid ay u tahay kooxda ugu wanaagsan adduunyada, hoygiisa iyo naadiga aan qalbigiisa ka go’ayn, isla markaana isaga oo ooyaya uu ka tegay bil ka hor, waxay warbaahintu u fasirtay hadalkiisan in uu yahay mid uu hoos ugu dhigayo Real Madrid, kuna weynaynayo PSG.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More