Sawirro: Isagoo La Xambaarsan Yahay Ayuu 2011 Soo Galay Old Trafford,

Wiilka uu dhalay Ryan Giggs Zach ayaa u dheelay kooxda Manchester United ee da’dooda ka yar tahay 16 jirada kuwaasoo xalay 2-0 kaga badiyay dhigooda Coleraine.

Da’ yarta Shayaadiinta Cas Cas ayaa labo gool dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta iyagoo booqashadooda Northern Ireland ku bilaabay guul.

Zach oo ka dheeli kara daafac dhexe iyo daafacgarab ayaa looga soo yeeray da’ yarta xulka Wales isagoo ka horyimid dhigooda England bishii May.

Da’ yarkaan ayaa horumar sii sameynaya isagoo ku soo bilowday kulankii xalay ee Man United ay ka badisay Coleraine.

Victor Musa ayaa goolasha furay rubuc saac markii ay ciyaarta socotay ka hor inta uusan Jack Moorhouse u dhalinin goolka labaad oo ahaa laad xor ah uu soo qaaday intii aysan ciyaarta gaarin nusa saac.

Inkastoo xiddigaha mustaqbalka ee Old Trafford ay guul gaareen hadana rigoore ayay ciyaareen labada kooxood si ay khibrad u helaan.

United ayaa rigooradii la ciyaaray ku badisay 5-3 iyadoo 10 ciyaaryahan loo ogolaaday inay rigoorada tuuraan.

Fanaanka Max George oo saaxiib la ah xaaskii hore ee Ryan Giggs  oo lagu magacaabo Stacey ayaa taageerayay Zach Giggs isagoo muqaalo taageero ah soo dhigay Instagram.

Wuxuu cinwaan uga soo dhigay muuqaalkiisa: “Waxaan daawanayaa xiddiga Manchester United,… waxaan qabaa in Stacey ay ku faaneyso wiilkeeda.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More