“Samir Iyo Dagaal, Waxaan Ahay Mid Aaminsan …” Ole Gunnar

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay wararka xanta ah ee suuqa ku jira ee sheegaya  in maalinta berri ah laga caydhin doono shaqada, haddii ay kooxdu guul ka keeni weydo ciyaarta ay martida u yihiin Everton.

Laba guul-darro oo isku xigay oo Champions League iyo Premier League ahaa ayaa culays ku keenay tababare Ole Gunnar Solskjaer iyadoo ay ciyaar adagna sugayso oo Everton ay u safrayaan, xilli ay fadhiyaan kaalinta 15aad ee horyaalka Premier League.

Tababarihii hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa la saadaalinayaa inuu Solskjaer ka  beddeli doono United haddii la caydhiyo, laakiin 47 jirkan reer Norway ayaa ku adkaysanaya inuu madaxa lasoo kici doono oo nasiibkiisu sii shaqayn doono marka ay Everton u tagaan oo ay soo guuleysan doonto kooxdiisu.

Ole Gunnar Solskjaer oo warbaahinta la hadlayay Jimcihii maanta ayaa yidhi: “Maxaanay u noqonayn? Haddii aanan anigu ku kalsoonaan waxa aan rumaysanahay iyo qiimaha tayada shaqaalaha tababarka iyo ciyaartoyda, yaa kale ee ku kalsoonaanaya?

“Anigu had iyo jeer wada-hadal wanaagsan, furan oo daacad ah ayaanu yeelanaa kooxda, waxay muujiyeen hoggaamin xoog badan iyo wada-hadal fiican oo joogto ah.”

Ciyaarta Sabtida berri ee la sheegayo inay ku xidhan tahay shaqadiisu ayaa uu ka hadlay, waxaanu yidhi: “Samir iyo dagaal, taas ayaynu eegi doonaa berri. Waxaan ahay mid aaminsan ciyaartoygiisa, waanay soo laaban doonaan, waxaanay muujin doonaan taxadar badan.”

Mar la weydiiyey sida uu ula tacaalayo culaysyada saaran, waxa uu Solskjaer ku jawaabay: “Waan fiicanahay. Ma faraxsanaan karaysid marka maalmaha adag lagu jiro, laakiin nolosha ayaa sidaas ah, maalmo wanaagsana way imanayaan, waxaanan ogahay in ciyaartoydani ay si fiican iskugu filan yihiin aniguna waxaan ugu kalsoonahay si wanaagsan inay jawaab bixin doonaan.

“Waa inaad maskax ahaan awood badnaato. Waxa jira waxyaabo badan oo lagaa dalabanayo marka aad tahay ciyaartoy ama tababare Manchester United ah iyo wax badan oo lagaa filayo, sababtoo ah waxay kooxda ugu weyn, uguna wanaagsan dunida.

“Ma filaysid inaad hesho wax aan ahayn in lagu eedeeyo. Waxayse ku xidhan tahay sida aad uga falcelisid adigu, waana sida aan ka arkay wiilashadyda oo mar kale diyaar u ah inay jawaab bixiyaan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More