Saddexlayda Ugu Khatarsan Iyo Kooxaha Ugu Weerarka Wanaagsan

Imaatinkii Luis Suarez ee Atletico Madrid, waxa uu abuuray in Diego Simeone ay hesho saddexlay khatar ah oo ay u fududdahay inay goolasha dhaliyaan, sidoo kalena ah cudud laga  sii baqdo.

33 jirka reer Uruguay ayaa helay Joao Felix iyo Marcos Llorente oo u baahnaa inay khibrad ka korodhsadaan, isla markaana uu u noqdo macallin ay kaga daydaan qaabka gool-dhalinta iyo dhiirranaanta.

Saddexdan ciyaartoy ayaa ah kuwa goolasha ugu badan ka dhaliyey horyaalka LaLiga, waxaanay saxeexeen 17 gool illaa hadda.

Diego Simeone xili ciyaareedkan 2020-21 ma  helin oo kaliya weerar halistiisa leh balse sidoo kale waxa afka hore ay ku abuurteen saddexlay aanay qaarkood markii hore dhaliyeyaal dabiici ah ahayn sida Llorente oo markii uu helay Suarez iyo Joao Felix isaguna dabka isku furay.

Qaaradda Yurub oo dhan, Bayern Munich ayaa ah kooxda ugu halista badan dhinaca weerarka, isla markaana dhalisay goolasha ugu badan.

Shanta horyaal ee waaweyn, Bayern Munich ayaa hoggaanka gool-dhalinta haysa, waxaanay ciyaar walba shabaqa taabsiiyaan ku dhowaad saddex gool, halka PSG ay kaalinta labaad soo cidhiidhsatay oo celcelis ahaan ay laba gool iyo badh kulan walba saxeexaan.

Kooxda Talyaaniga ah ee Atalanta ayaa wacdaro ka dhigaysa garoomada, waxaanay noqotay naadiga saddexaad ee goolasha ugu badan soo dhaliyey, halka Chelsea ay u shaqeeyeen saxeexyadii cusbaa oo ay afraad ku jiro.

Atletico Madrid ayaa booska shanaad ee kooxaha ugu gool-dhalinta badan soo cidhiidhsatay, halka Liveprool iyo Tottenham ay ku kala jiraan lixaad iyo toddobaad.

Manchester City oo ay dhaawacyo kaga maqnaayeen Gabriel Jesus iyo Sergio Aguero ayaa kaalin niyad-jab ah ku jirta, waxaanay xataa kasii liidataa Real Madrid.

Halkan kaga bogo kooxaha ugu gool-dhalinta badan xili ciyaareedkan:

1. Bayern Munich: 2.7 gool – Ciyaar walba

2. PSG: 2.6 gool – Ciyaar walba

3. Atalanta: 2.57 gool – Ciyaar walba

4. Chelsea: 2.5 gool – Ciyaar walba

5. Atletico Madrid: 2.42 gool – Ciyaar walba

6. Liverpool: 2.25 gool – Ciyaar walba

7. Tottenham: 2.37 gool – Ciyaar walba

8. Inter: 2.28 gool – Ciyaar walba

9. Barcelona: 2.14 gool – Ciyaar walba

10. Borussia Dortmund: 2.14 gool – Ciyaar walba

11. Real Madrid: 1.75 gool – Ciyaar walba

12. Manchester City: 1.43 gool – Ciyaar walba

Saddexlayda ugu halista badan iyo goolasha ay dhaliyeen

Bayern Munich ayaa ah kooxda labaad ee ugu goolasha badan ee saddexlayda Lewandowski, Gnabry iyo Coman ay u dhaliyeen 22 gool, halka Liverpool ay Mane, Salah, Firmino illaa hadda saxeexeen 18 gool.

Halkan kaga bogo goolasha saddexlayda afka hore ee ugu khatarsan

1. Tottenham Hotspur (Kane, Bale, Son) – 24 gool

2. Bayern Munich (Lewandowski, Gnabry, Coman) – 22 gool

3. Liverpool (Mane, Salah, Firmino) – 18 gool

4. Borussia Dortmund (Haaland, Reus, Sancho) – 17 gool

5. Atletico Madrid (Luis Suárez, Joao Felix, Marcos Llorente) – 16 gool

6. Chelsea (Werner, Havertz, Ziyech) – 16 gool

7. Atalanta (Papu Gomez, Zapata, Muriel) – 15 gool

8. Manchester United (Martial, Bruno Fernandes, Rashford) – 15 gool

9. PSG (Neymar, Kean, Mbappe) – 14 gool

10. Juventus (Dybala, Cristiano Ronaldo, Morata) – 14 gool

11. Barcelona (Messi, Ansu Fati, Griezmann) – 13 gool

12. Inter (Lautaro Martínez, Lukaku, Barella) – 12 gool

13. Borussia Monchengladbach (Plea, Stindl, Thuram) – 12 gool

14. Real Madrid (Benzema, Vinicius, Asensio) – 9 gool

15. Arsenal (Lacazette, Aubameyang, Willian) – 7 gool

16. RB Leipzig (Olmo, Poulsen, Forsberg) – 6 gool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More