Deprecated: Implicit conversion from float 79.9 to int loses precision in /home/axadlets/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php on line 85

Deprecated: Implicit conversion from float 79.9 to int loses precision in /home/axadlets/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php on line 87
 SAADAASHA Mark Lawrenson Ee Last-ka FA Cup & Premier League Ee – Axadle | Stay Informed with Horn of Africa Headlines

SAADAASHA Mark Lawrenson Ee Last-ka FA Cup & Premier League Ee

Khabiirka shabakadda BBC Sport ee Mark Lawrenson ahna xiddigii hore ee kooxda Liverpool ayaa saadaal ka dhiibtay kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League iyo waliba Last-ka FA Cup ee ay Chelsea iyo Leicester Metropolis fooda is darayaan.

Aan ku bilawnee Lawrenson ayaa guul u saadaaliyay Manchester Metropolis oo caawa Newcastle United booqanaysa markeedii ugu horreysay ciyaaraysa tan iyo markii ay horyaalka ku guuleysatay.

Dhinaca kale Lawrenson ayaa wadnaha xanuujiyay West Ham United oo uu u arko inay bar-bardhac lasoo geli doonto Brighton taas oo ka dhigan in hammiga Hammers ee ka qayb galka Champions League uu xumaan doono,

Mark ayaa dhinaceeda guul u rajeeyay Tottenham oo soo dhawaynaysa Wolves oo aan xilli ciyaareedkan sidii hore u fiicnayn, waxa uu qabaa in Ryan Mason wadada guulaha kusoo celin doono kaddib guuldarradii ay kala soo kulmeen Leeds United.

Liverpool oo xalay guul weyn oo ay rajadeeda Champions League ku noolaysay ka gaadhay Man United ayuu markale qabaa Lawro inay kasoo adkaan doonto kooxda heerka labaad u dhacday ee West Bromwich oo ay booqanayso.

Ugu dambayn, ku guuleysiga FA Cup ayuu Lawro u rajeeyay Chelsea waxaana uu saadaaliyay inay guul cidhiidhi ah ka gaadhi doonaan Leicester Metropolis.

Saadaasha Lawro Ee Toddobaadkan Oo Dhan

Premier League

Newcastle United 0-2 Man Metropolis

Burnley 1-2 Leeds United

Southampton 2-0 Fulham

Brighton 1-1 West Ham United

West Brom 0-2 Liverpool

Everton 2-0 Sheffield United

Tottenham 2-0 Wolves

FA Cup Last

Chelsea 1-0 Leicester Metropolis

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More