Saadaasha Mark Lawrenson Ee Kulamada Premier League & Finalka Carabao

Horyaalka Premier League ayaa galay kulamadii 33aad, waxaana ballansan kooxo waaweyn oo natiijada kasoo baxda kulamadoodu ay isbeddel ku samayn karto miiska kala-sarraynta, iyadoo lagu jiro wajigii ugu dambeeyey.

Waxa kale oo usbuucan la ciyaarayaa finalka Carabao Cup oo ay ku kulmayaan Manchester City iyo Tottenham, iyadoo koobkii ugu horreeyey ee xilli ciyaareedkanna ay Axadda la kala qaadi doonto.

Man City ayaa gacanta ku dhigi doonta koobkeeda ugu horreeya xilli ciyaareedkan oo ay usii dabbaal-degi doonto maalmo kooban ka hor inta aanay isku diyaarin damaashaadka hanashada horyaalka Premier League.

Khabiirka ciyaaraha ee Mark Lawrenson ayaa saadaaliyey in Man City ay ciyaartan si dhibaato badan kaga badin doonto Tottenham, isla markaana ay guuleysan doonto.

Dhinaca kale, horyaalka Premier League ayaa ciyaaro adag ay jiraan, waxaana kulanka ugu xamaasadda badan uu yahay midka ay Axadda ku ballansan yihiin Leeds United iyo Manchester United.

Labadan kooxood ee isku gobolka ka dhisan ayay ka dhaxaysaa cadaawad guun ah iyo xafiiltan 16 sannadood aanay taageereyaashu arag oo dib u bilaabmay sannadkan.

Leeds United ayaa kasoo badisay Man City, kuna xigsiisay barbarro ay la gashay Liverpool labadii toddobaad ee u dambeeyey, laakiin Mark Lawrenson ayaa saadaashiisa usbuuca waxa uu ku sheegay in Manchester United ay gacanta sare yeelan doonto oo guuleysan doono.

Liverpool ayaa iyaduna kusoo laaban doonta jidka guusha, waxaana sidoo kale min saddex dhibcood heli doona Arsenal iyo Chelsea.

Saadaasha Mark Lawrenson ee kulamada toddobaadkan

Finalka EFL Cup/Carabao Cup

Manchester City 2-1 Tottenham

Kulamada Premier League

Jimce

Arsenal 2-1 Everton

Sabti

Liverpool 2-0 Newcastle

West Ham 0-2 Chelsea

Sheffield United 0-2 Brighton

Axadda

Wolves 1-2 Burnley

Leeds United 1-2 Manchester United

Aston Villa 2-1 West Brom

Isniin

Leicester City 2-0 Crystal Palace

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More