Saadaasha Dimitar Berbatov Ee Kulamada Todobaadkan La

Xiddigii hore ee Man United iyo Tottenham Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyay kulamada isbuucaan la ciyaarayo horyaalka Premier League marka laga reebo kulanka ay caawa dheelayaan kooxaha Crystal Palace iyo Newcastle United.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool oo dhaawacyo ay wareeriyeen ayaa hogaanka la wareegi karta haddii ay ka badiyaan Brighton ka hor inta aysan indhaha oo dhan u jeesanin Stamford Bridge oo ay isaga horimaanayaan Chelsea iyo Tottenham.

Berbatov ayaa saadaaliyay in kooxda Reds oo guuldarro xun ay ka soo gaartay Champions League habeenkii Arbacada inay 2-0 kaga badin doonto kooxda Brighton.

Wuxuu sidoo kale guul u saadaaliyay kooxda Manchester City oo Burnley ku soo dhaweyneysa garoonkeeda Etihad Stadium isagoo u saadaaliyay guul 3-0 ah.

Kulanka ugu adag todobaadka ee ka dhacaya Stamford Bridge oo ay isaga horimaanayaan macalin Mourinho iyo ardaygiisa Frank Lampard ayuu Berbatov saadaaliyay inay ku kala bixi doonaan Chelsea iyo Tottenham barbaro gool iyo gool ah.

Berbatov ayaa guul u saadaaliyay kooxdiisa hore ee Man United oo marti u ah todobaadkan kooxda Southampton isagoo saadaaliyay inay 2-1 ku badin doonto kooxda Red Devils.

Dimitar Berbatov ayaa sidoo kale guul u saadaaliyay Arsenal oo garoonkeeda Emirates Stadium ku soo dhaweyneyso Wolves, wuxuu Berbatov saadaaliyay in Gunners ay 1-0 ku badin doonto kulankaan.

Saadaasha Premier League Ee Dimitar Berbatov:

Brighton 0-2 Liverpool

Man City 3-0 Burnley

Everton 2-2 Leeds United

West Brom 1-0 Sheffield United

Southampton 1-2 Man United

Chelsea 1-1 Tottenham

Arsenal 1-0 Wolves

Leicester 3-0 Fulham

West Ham 1-1 Aston Villa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More