SAADAAL: Mark Lawrenson Oo Soo Saaray Saadaashiisa Toddobaadka 34aad

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa gabogabo kusii dhowaanaya, waxaaa toddobaadkan ay kooxuhu ciyaari doonaan kulamadii 34aad, taas oo ka dhigan in kaliya afar ciyaarood ay ka hadhsan yihiin xilli ciyaareedka 2020-21.

Kulamo xaasaasi ah ayaa toddobaadkan jira, waxaanay rajadu ku xun tahay Liverpool oo marti u noqonaya Manchester United, taas oo haddii ay guul ka keeni weydo si dhab ah uga quusan doonta in ay ka mid noqoto kooxaha ka qayb-gelaya tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu kaliya ka ciyaari doonaa Europa League haddii ay Axadda guul ka keeni weydo Outdated Trafford, sababtoo ah, waxay aad uga dambayn doonaan Chelsea oo kaalinta afraad fadhida, kana horreysa afar dhibcood.

Tottenham ayaa iyaduna kaliya guul ku yeelan karta rajo ay ugu sii dagaallami karto afarta sare, waxaanay quus noqon doonaan haddii ay saddex dhibcood ka keeni waayaan kulanka ay Axadda kula ballansan yihiin kooxda ugu hoosaysa horyaalka ee Sheffield United.

Arsenal oo kaalinta 10aad ku jirta, walina aan xisaab ahaan uga quusanin in Europa League ay kasoo muuqato, ayaa u baahan guul ay ka keento  Newcastle United.

Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson ayaa sidii aynu uga baranay sameeyey saadaashiisa kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan, waxaana uu quus ka dhigay rajo kasta oo ay yeelan karaysay Liverpool.

Mark Lawrenson oo u ciyaari jiray Liverpool, waxa uu kooxdiisa hore u saadaaliyey hal dhibic kaliya oo ay kasoo heli doonto Outdated Trafford iyagoo barbarro 1-1 ah lasoo geli doona, laakiin Chelsea iyo Leicester Metropolis ay guuleysan doonaan. Waxa kale oo badin doonta Tottenham, sida saadaashiisa uu ku sheegay Khabiirku.

Haddii saadaasha Mark Lawrenson ay sidaas ku rumowdo, Liverpool waxay u degi doontaa kaalinta toddobaad iyagoo toddoba dhibcood ka dambayn doona Chelsea oo afraad xajisanaysa xilli afar ciyaarood hadhsanaanayaan, waxaana Blues ay u baahan doontaa in laba ciyaarood oo kaliya ay badiso si ay kaalinta afraad ugu dhamaysato.

Arsenal ayaa uu Mark Lawrenson guul-darro ugu sii bushaareeyey, waxaanu u sheegay in Newcastle ay si lama filaan ah uga qaadan doonto saddexda dhibcood, halka Tottenham, Chelsea, Everton, Leeds, Man Metropolis iyo Wolves uu guulo u saadaaliyey.

Laakiin ciyaar saamayn ku leh miiska kala-sarraynta ee kaalmaha sare, ayuu Mark Lawrenson saadaal isbeddel samaynaya ka sameeyey, waxaana West Ham oo shanaad ku jirta, hal dhibicna ka horreysa Liverpool uu sheegay in ay guul-darro kala soo kulmi doonto Burnley oo ay Isniinta la ciyaarayso.

Saadaasha Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson ee kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League:

Jimce

Southampton 0-2 Leicester Metropolis

Sabti

Crystal Palace 0-2 Manchester Metropolis

Brighton 1-2 Leeds United

Chelsea 2-0 Fulham

Everton 2-0 Aston Villa

Axadda

Newcastle 2-1 Arsenal

Manchester United 1-1 Liverpool

Tottenham 3-0 Sheffield United

Isniin

West Brom 1-1 Wolves

Burnley 2-0 West Ham

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More