SAADAAL: Liverpool, Leicester Mise Chelsea? – Owen Oo Saadaaliyay HAL

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa xilligii ugu muhiimsanaa saadaaliyay kaalmaha afarta sarre ee horyaalka Premier League iyadoo labada kaalmood ee saddexaad iyo afraad ay saddex kooxood wali geesaha iskugula jiraan.

- Advertisement -

Guushii cajiibka ahayd ee ay Liverpool xilli dambe ka gaadhay West Brom shalay ayaa ka dhigaysa kuwo boos fiican u haysta inay gaadhaan kaalmaha saddexaad iyo afraad mid ahaan.

Gool uu daqiiqadii ugu dambaysay madax si qurxoon ugu dhaliyay goolhaye Alisson Becker ayaa ka caawiyay Reds inay hal dhibic oo kaliya u jirsadaan Chelsea halka ay saddex dhibcood u jiraan Leicester.

Iyadoo Chelsea iyo Leicester ay habeen dambe wada ciyaarayaan ayay ka dhigantahay in ugu yaraan midkood dhibco lumin doonto isla markaana Liverpool ay dhaafi doonto haddii ay labada kulan ee u hadhsan badiso.

Haddaba, Michael Owen ayaa aaminsan in Chelsea iyo Liverpool ay kaalmaha saddexaad iyo afraad ku dhammaysan doonaan isaga oo qaba in Foxes ay xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah fursadaas iska dayici doonaan.

Owen ayaa ugu horreynba yidhi “Xilli ciyaareed qariib ah ayuu ku ahaa Liverpool, kulamadii ugu dambeeyay waxa ay lumiyeen fursado aad u badan wax badan ayayna abuureen”

“Waxaan filayaa inay tahay Liverpool, Chelsea iyo Leicester in laba kamid ah saddexdaasi (Ay soo bixi doonana), waxaan filayaa inay noqon doonto Liverpool iyo mid kale”

Owen oo lagu qasbay inuu Chelsea iyo Leicester sii kala doorto ayaa yidhi “Aad ayay u adagtahay, waxaan filayaa inay yihiin Liverpool iyo Chelsea, waxaan filayaa in Chelsea ay garaaci karto Leicester”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More