SAADAAL Aanad Rumaysan Karin: Supercomputer Oo Saadaaliyey Afarta

Tartanka loogu jiro kaalmaha saddexaad iyo afraad ee horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa soconaya shanta kulan ee ka hadhay dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaana halgan ku wada jira dhawr kooxood oo labadaas boos ku hirdamaya.

Manchester Metropolis oo horyaalka ku guuleysanaysa iyo Manchester United ayaa kaalmaha koowaad iyo labaad ku dhamaysanaya, mana jirto cid qabanaya, laakiin saddexaad iyo afraad ayaa ah labada boos ee dagaalku ka jiro.

Leicester Metropolis ahyaa ugu cadcad in ay ku dhamaysato kaalinta saddexaad, sababtuna waxay tahay, in iyadoo hal dhibic ka sarraysa Chelsea oo afraad fadhida ay haddana haysato hal kulan oo baaqi u ahaa oo ay Isniinta maanta la ciyaarayso Crystal Palace, taas oo haddii ay badiso u dhoweynaysa in badqab u noqdo booska saddexaad.

Dhinaca kale, Chelsea ayaa kaalinta afraad ka far-maroojisay West Ham United oo ay lugteeda iskaga reebay usbuucan, waxaanay ka horreysaa saddex dhibcood, laakiin waxa kusoo dhow Liverpool oo afar dhibcood kasii dambaysa, halka Tottenham iyo Everton uu iyagana wali hunguri ka hayo, inkasta oo fursadahoodu sii yaraanayaan.

Wiilasha tababare Thomas Tuchel ayaa u muuqda in ay adkaysteen booskooda kaalinta afraad markii ay Sabtidii ka adkaadeen West Ham, laakiin saadaal uu sameeyey Supercomputer ayaa Chelsea niyad-jab u tilmaantay.

Supercomputer waxa uu saadaaliyey in Chelsea ay ka bixi doonta afarta ugu sarreeya oo ay waliba u daadegi doonto kaalinta 7aad, taas oo ah arrin ay adag tahay in jamaahiirtu ay rumaystaan in ay dhacdo marka la eego qaab-ciyaareedkooda iyo natiijooyinka ay keenayeen intii uu Thomas Tuchel beddelay Frank Lampard.

Saadaasha ayaa waxay muujinaysaa in Liverpool ay soo geli doonto kaalinta afraad oo ay xilli ciyaareedka dambe qayb ka noqon doonto tartanka Champions League, halka Leicester ay kaalinteeda saddexaad ku jiri doonto.

West Ham ayaa ku dhamaysan doonta kaalinteeda shanaad ee ay haddaba fadhido, waxaana kusoo xigaysa Tottenham, halka Chelsea ay toddobaad geli doonto.

Saadaasha kaalmaha sare ee Supercomputer oo ay la socoto dhibcaha ay ku dhamaysanayaan:

third – Leicester – 69 dhibcood (+25GD)

4th – Liverpool – 66 dhibcood (+23GD)

———————————————–

fifth – West Ham – 66 dhibcood (+15GD)

sixth – Tottenham – 64 dhibcood (+23GD)

seventh – Chelsea – 64 dhibcood (+20GD)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More