Ronaldo, Seedorf, Kroos: Waa Kuwee Ciyaaryahannada Koobabka Ugu Badan

Maalinta ugu dambaysa ee bisha Could ee foodda inagu soo haysa, waxa la ciyaari doonaa finalka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana uu noqon karaa mid taariikho iyo rikoodho u sameeya ciyaartooyo horeba baal dahab ah ugu lahaa taariikhda Champions League.

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa caawa indhahooda ku arkaya, Zinedine Zidane oo isagoo ciyaartoy iyo tababare ahba ku guuleystay Champions League, laakiin raadinaya in uu ka mid noqdo tababareyaasha taariikhda tartankan baal dahabka ah ka doonaya in uu ka galo. Laakiin haddii uu doonayo in uu sii wato riyadiisa ah in uu raadiyo rikoodho, waa in uu iska dhiciyo Chelsea oo lugta hore ay caawa wada ciyaari doonaan, toddobaadka dambena ay magaalada London iskugu tegi doonaan.

Koobka ‘Dhego Weyne’ ee finalkiisa lagu ciyaarayo magaalada Istanbul ee waddanka Turkey, waxa afarta kooxood ee iskugu soo hadhay ku jira ciyaartooyo hore usoo qaaday tartankan, iyo kuwo uu riyo kaliya ku yahay.

Toni Kroos oo koobkan kula soo guuleystay Bayern Munich ka hor intii aanu Actual Madrid imanin oo uu iyagana la qaaday saddex koob ayaa raadinay koobkiisii shanaad iyo markiisii afraad ee Actual Madrid ah, waxaanu la barbarrayn karaa Cristiano Ronaldo oo Manchester United iyo Actual Madrid la qaaday shan koob.

Tartanka Champions League oo isbeddel lagu sameeyey sannadkii 1992kii, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa ciyaartoydii ugu badnaa ee koobka kula guuleysta kooxo kala duwan:

1. Cristiano Ronaldo

Manchester United: 2007/08

Actual Madrid: 2013/14, 2015/16, 2016/17 iyo 2017/18

2. Toni Kroos

Bayern Munich: 2012/13

Actual Madrid: 2015/16, 2016/17 iyo 2017/18

3. Gerard Pique

Manchester United: 2007/08

Barcelona: 2008/09, 2010/11 iyo 2014/15

4. Clarence Seedorf

Ajax: 1994/95

Actual Madrid: 1997/98

AC Milan: 2002/03 iyo 2006/07

5. Samuel Eto’o

Barcelona: 2005/06 iyo 2008/09

Inter Milan: 2009/10

6. Fernando Redondo

Actual Madrid: 1997/98 iyo 1999/00

AC Milan: 2002/03

7. Xherdan Shaqiri

Bayern Munich: 2012/13

Liverpool: 2018/19

8. Jose Bosingwa

FC Porto: 2003/04

Chelsea: 2011/12

9. Paulo Ferreira

FC Porto: 2003/04

Chelsea: 2011/12

10. Daniel Sturridge

Chelsea: 2011/12

Liverpool: 2018/19

11. Thiago Alcantara

Barcelona: 2010/11

Bayern Munich: 2019/20

12. Deco

FC Porto: 2003/04

Barcelona: 2005/06

13. Thiago Motta

Barcelona: 2005/06

Inter Milan: 2009/10

14. Xabi Alonso

Liverpool: 2004/05

Actual Madrid: 2013/14

15. Owen Hargreaves

Bayern Munich: 2000/01

Manchester United: 2007/08

16. Paulo Sousa

Juventus: 1995/96

Borussia Dortmund: 1996/97

17. Didier Deschamps

Marseille: 1992/93

Juventus: 1995/96

18. Edwin van der Sar

Ajax: 1994/95

Manchester United: 2007/08

19. Christian Panucci

AC Milan: 1993/94

Actual Madrid: 1997/98

20. Marcel Desailly

Marseille: 1992/93

AC Milan: 1993/94

21. Nicolas Anelka

Actual Madrid: 1999/00

Chelsea: 2011/12

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More