Ronaldinho Oo Ay Noloshiisu Halis Ku Jirto Kaddib
Halyeygii Brazil ee Ronaldinho Gaucho ayaa laga dayrinayaa xaaladdiisa kaddib geeridii bishii February ku timid hooyadii Dona Miguelina.
Laacibkan hore ayaa sannad adag soo qaatay, waxaana uu muddo bilo ah ku xidhnaa waddanka Paraguay oo markii uu kasoo baxayna uu la kulmay hooyadii oo xanuunsanaysa oo uu ku hayey cusbitaalka muddo bilo ah.
Dona Miguelina oo uu ku dhacay Korona Fayras ayaa geeriyootay bishii February ee sannadkan, waxaana laacibkan murugada la qaybsaday dad badan oo caan ah oo tacsi u diray.
Kaddib dhacdooyinkan, Ronaldinho ayaa la sheegay in isbeddel ku dhacay hab nololeedkiisii, waxaanu bilaabay inuu si xad-dhaaf ah u cabbo alkohool iyo khamriyo kala duwan oo mararka qaarkood aanu joojin 24 saacadood oo xidhiidh ah.
Sida uu qoray wargeyska Extra ee kasoo baxa waddanka Brazil, saaxiibbada ay aadka iskugu dhow yihiin laacibkan ayaa ka walaacsan xaaladda laacibkan hore, iyagoo dareensan in noloshiisu halis ku jirto.
Marka laga yimaaddo cabbitaanka alkohoolka, waxa kale oo uu laacibkani ku jiraa xaflado aan kala joogsi lahayn, taas oo la rumaysan yahay in uu isku illowsiinayo dhaawacyada nafsiga ah ee kasoo gaadhay geeridii hooyadii iyo xabsigii bilaha uu ku jiray.
“Maalin walba wuxuu ku jiraa xaflad” Sidaa waxa wargeyska Extra u sheegay mid ka mid ah saaxiibbada Ronaldinho oo intaa ku daray: “Ronaldinho wuxuu bilaabay inuu cabbo Vodka, Whiskey, Gin subax walba, waxaanu kaliya joojiyaa cabbitaanka subaxda xigta (24 saacadood ayuu wadaa).
“Tani maaha wax uu hore u samayn jiray, kaliya hadda ayaanu ku aragnay, waxaanu sidan noqday intii ka dambaysay geeridii hooyadii.”
Saaxiib kale oo Ronaldinho ay isku dhow yihiin ayaa isaguna yidhi: “Wuxuu wuxuu beddelay hab-dhaqankiisii. Wuxuu xaflad samaysay sannadkii cusbaa, taas oo ay kasoo qayb galeen dhawr saaxiibbadii oo ah. Wuxuu ka tegay Rio oo uu ku dareemay kalinimo. Wuxuu bannaanka ugu baxaa xaflado, wuxuu sameeyaa goob ka ciyaar, sidan ayuu kusii fogaanayaa.”