Romelu Lukaku Oo Soo Nooleeyay Rajadii Inter Milan, Atletico

Inter Milan ayaa sii nooleysay rajadeeda inay u soo baxdo wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 3-2 ku garaacday kooxda hogaamineysa Group B ee Borussia Monchengladbach iyagoo haatan u baahan inay kulanka ugu danbeeya group-ka ka badiyaan Shakhtar Donetsk islamarkaana ay Real Madrid ka badiso Borussia Monchengladbach.

Inter Milan ayaa hogaanka ciyaartii caawa ku hormartay ka dib gool uu u saxiixay Matteo Darmian laakiin kooxda Jarmalka ayaa barbareysay dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta ka dib gool uu u saxiixay Alassane Plea.

Romelu Lukaku ayaa 10 daqiiqadood oo qeybtii labaad ka tirsan ku dhaliyay labo gool oo degdeg ah isagoo hogaanka Inter Milan ka dhigay 3-1 daqiiqadihii 63aad iyo 74aad.

Laakiin Borussia ayaa durbadiiba ciyaarta ku soo noqotay iyadoo labada daqiiqo ka bacdi goolkii labaad ee Lukaku uu isna goolkii labaad ee ciyaarta dhaliyay Alassane Plea.

Ma jirto koox badbaado qabta Group B kulanka ugu danbeeya ee lixaad ee la ciyaari doono isbuuca soo socda. Borussia Monchengladbach ayaa hogaanka ku heysa 8 dhibcood, Shakhtar iyo Real Madrid ayaa leh min 7 dhibcood iyadoo Inter Milan ay ugu hooseyso iyagoo leh 5 dhibcood.

Inter waxay kulankooda ugu danbeeya la ciyaarayaan Shakhtar Donetsk halka Real Madrid ay la dheeli doonto Borussia Monchengladbach.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa laga horjoogsaday inay xaqiijisato u soo bixitaankeeda wareega 16ka Champions League ka dib markii ay barbaro kala kulmeen kooxda difaacaneysa koobkaan ee Bayern Munich.

Atletico Madrid ayaa muddo dheer ciyaarta ku hogaamineysay 1-0 ka dib gool uu u saxiixay Joao Felix daqiiqadii 26aad laakiin rigoore loo dhigay Bayern Munich ciyaarta oo afar daqiiqo dhiman ayay ku barbareen iyadoo uu saxiixay Thomas Muller oo rigoorada lagu galay.

Bayern Munich oo hore u xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega 16ka Champions League ayaa leh 13 dhibcood iyagoo kaalinta 1aad xaqiijistay.

Atletico weli ma aysan soo bixi waxay leedahay lix dhibcood iyagoo ku jira kaalinta labaad waxay labo dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta 3aad ee Salzburg oo caawa 3-1 kaga badisay Lokomotiv Moscow oo mar hore hartay.

Kulanka ugu danbeeya wareega group-yada ee Atletico Madrid iyo Salzburg ayaa lagu kala baxayaa iyadoo haddii Atletico ay kulankaas dhibic ka hesho ay soo baxdo halka Salzburg ay ku qasban tahay inay badiso.

Dhanka kale FC Porto ayaa wareega 16ka Champions League kula biirtay kooxda Manchester City ka dib markii ay barbaro goolal la’aan ah ku kala baxeen iyadoo daqiiqadii 80aad rigoore laga badbaadiyay Gabriel Jesus.

Porto ayaa leh 10 dhibcood iyagoo xaqiijistay u soo bixitaankooda wareega 16ka waxay ka hooseeyaan Man City oo mar hore soo baxday oo leh 13 dhibcood halka Marseille iyo Olympaicos ay hareen iyagoo leh min 3 dhibcood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More