Rivaldo Oo Tilmaamay Sida Kaliya Ee Uu Lionel Messi Ku Sii

Lionel Messi ayaa kaliya ka fiirsan doona inuu sii joogo Barcelona haddii ay ku guuleystaan Champions League ama La Liga sida uu sheegay Rivaldo.

Messi ayaa isku dayay inuu ka tago Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ka dib markii ay isku dhaceen maamulka kooxda xilli ay guuldarro 8-2 ka soo gaartay Bayern Munich wareegii sideed dhamaadka Champions League.

Barca ayaa ugu danbeyn ku guuleysatay inay xiddiga reer Argentina ka horjoogsato inuu baxo  laakiin weli waxaa shaki la gelinayaa mustaqbalkiisa kooxda iyadoo qandaraaskiisa ay uga harsan tahay kaliya lix bilood.

Messi ayaa weli muhiim u ah Blaugrana inkastoo lala xiriirinayo Manchester City, wuxuu dhaliyay lix gool toban kulan uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa badisay dhamaan seddexda kulan ee wareega group-yada Champions League iyadoo 33 jirkaan uu hogaaminayo weerarkooda laakiin waxay dhibaato ka heysataa horyaalka La Liga iyagoo 11 dhibcood ka helay 21 dhibcood oo ay u tartameen.

“Dabcan Messi waxa uu dalabyo ka fiican kan Barcelona ka heli doonaa kooxo kale, wuxuuna isku dayay inuu baxo xagaagii. Ma arko sida maamulkeena ay uga dhaadhicin karaan inuu ka laabto go’aankaas” ayuu yiri xiddigii hore ee Barcelona Rivaldo.

“Feker ahaanteyda, kaliya inay ku guuleystaan Champions League ama La Liga xilli ciyaareedkan ama uu daawado Koeman oo kooxda ciyaarsiinaya kubad qurxoon ayaa ka dhaadhicin kara Messi inuu ka laabto go’aankiisa.

“Nasiib darro waxaan ka baqayaa inay tani tahay xilli ciyaareedkiisii ugu danbeysay ee kooxda.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More