Rio Ferdinand Oo Toos U Tilmaamay Laba Saxeex Oo Aad Ugu Haboonaan

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa aaminsan in ay tahay in kooxdiisii hore khad dhexe la saxeexato kahor suuqa xidhitaanka suuqa xagaagan isaga oo doonaya mid ahaan Saul Niguez oo Atletico Madrid ka tirsan iyo Declan Rice oo West Ham United qayb ka ah.

Waxa jira warar badan oo xan ah oo sheegaya in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu suuqa ugu jiro baadigoobka khad dhexe inta ka horreysa 31-ka August.

Kooxda ayaa isku dayi karta mid ahaan Saul ama Rice oo labaduba awoodooda sanado kusoo muujiyay Hammers iyo Rojiblancos, labada xiddig ayaa mudo dheer qayb kasoo ahaa liiska rabitaanka ee Manchester.

Rio Ferdinand oo ka hadlayay kanaalkiisa Youtube ee FIVE ayaa sheegay inuu rajaynayo in saxeexyo kale ay samayn doonto Man United isaga oo calaamadiyay Saul iyo Declan Rice.

“Dhibaatadu waxa weeye yaa la heli karaa oo halkaas jooga yaase ku haboonaan kara kooxda?, Saul wuxuu noqon lahaa midka si cajiib ah ugu haboon, lacagta iibkiisa ayaa ahayd 160 Milyan oo pound dhawr sano kahor haatana waa 40 ilaa 50 Milyan oo pound”

“Kubadda cagta maanta kaasi waa qiime cajiib ah markay noqoto qof isagoo kale ah oo khibrad Champions League leh, anigu taageere weyn ayaan u ahay isaga, haddii aad heli karto gudaha suuqan waxaan filayaa inaad samaynayso”

“Waxaan filayaa in Declan Rice uu xoojin weyn u noqon lahaa safkan, anigu isaga taageere weyn ayaan u ahay, waxaan jeclaan lahaa inaan arko isaga oo horumaraya”

Red Devils ayaa durba suuqan ka sameeyay dhaq-dhaqaaq fiican iyaga oo Jadon Sancho iyo Raphael Varane isku dar 113 Milyan oo pound kula saxeexday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More