Rikoodhkii Cajiibka Ahaa, Xaqiiqooyinkii, Xiddigii Garoonka Iyo
Saddex gool oo midkood rikoodhe ahaa oo ay u kala dhaliyeen Bruno Fernandes, Mason Greenwood iyo Edinson Cavani ayaa Manchester United ugu filnaanay in ay guul soo laabasho ah ka gaadho Aston Villa oo gool kala hormartay.
Guushan Man United ay gaadhay, waxay toban dhibcood ugu jirsatay Man Metropolis oo hoggaanka haysa, xilli hal ciyaarna baaqi u tahay, taas oo ka dhigan in ay mar kale dib u dhigtay waqtiga Metropolis ay horyaalka ku guuleysanayso.
Rikoodhada iyo xaqiiqooyinkii cajiibka ahaa ee kulanka
Manchester United ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay taariikhda Premier League ee xilli ciyaareed gudihii 10 kulan lagala hormaro goolal laakiin ka daba timid oo guuleysatay. Hore ugama dhicin horyaalka. United waxa kale oo ay heshay 31 dhibcood iyadoo laga ciyaar wanaagsan yahay xilli ciyaareedkan, waxaanay sidaas ku noqotay kooxda kaliya ee dhibco intaas le’eg hesha iyadoo laga gacan sarreeyo. Kaliya Newcastle ayaa ka badan oo 34 dhibcood heshay xilli ciyaareedkii 2001-02 iyadoo laga awood badan yahay.Maguire ayaa la beddelay qaybtii dambe, waxaanay taasi soo afjartay 71 ciyaarood oo uu kusoo bilowday oo dhamaantood uu dhamaystay 90kii daqiiqadoodba. Waxa uu sidaas ku barbarreeyey rikoodhka halyeygii United ee Gary Pallister oo 71 kulan oo isku xiga dhamaystay intii u dhaxaysay 1993 ilaa 1995kii.Edinson Cavani ayaa dhaliyey goolkiisii shanaad ee Premier League ah isagoo beddel kusoo galay, waxaanu barbarreeyey rikoodhkii Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer oo xilli ciyaareedkii 1998-98 dhaliyey shan gool isagoo beddel kusoo galay iyo Javier Hernandez oo 2010-11 dhaliyey shan gool xilli uu beddel ku yimid.
Xiddigii garoonka
Luke Shaw ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka isagoo soo bandhigay ciyaar sarraysa oo difaac illaa weerar ah, waxaana uu bilowgiiba ku dhowaaday in uu shabaqa soo taabto, halka goolka saddexaad ee kooxdana uu qayb weyn ku lahaa.
Laacibiintii ugu liitay
Victor Lindelof ayaa ciyaartoyda kulanka ku fashilantay la wadaagay Mings, Luiz, Barkley, El Ghazi iyo Watkinz oo dhamaantood Aston Villa ah.
Labada laacib ee Luiz iyo Barkley waxay heleen darajada ugu hoosaysay qiimaynta kulanka oo ahayd 4, halka afarta ciyaartoy ee kale ay min 5 ka heleen qiimaynta ciyaarta.
Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood
Aston Villa: Martinez (6), Money (6), Konsa (7), Mings (5), Targett (6), Luiz (4), McGinn (6), Barkley (4), Traore (6), El Ghazi (5), Watkins (5)
Beddelka: Ramsey (5), Davis (NA), Wesley (NA)
Man Utd: Henderson (6), Wan-Bissaka (7), Maguire (6), Lindelof (5), Shaw (7), Pogba (7), Fred (6), McTominay (6), Fernandes (6), Rashford (6), Greenwood (7)
Beddelka: Cavani (7), Bailly (NA), Matic (NA)