“Rikoodhe Caddaan Ah Ayuu Ahaa, Waxay Ahayd In 2-2 … Ma Garanayo
Tababare Ronald Koeman ayaa qarsan kari waayey niyad-jabkii uu ka qaaday ciyaartii Barcelona ay guul-darradu kasoo gaadhay ee Real Madrid ay xalay kaga badisay 2-1.
- Advertisement -
Los Blancos ayaa saddexda dhibcood ku xaqiiqsatay bandhig cajiib ahaa oo ay qaybtii hore muujisay, iyadoo labada goolna ay u kala dhaliyeen Karim Benzema iyo Toni Kroos, ka hor intii aanay qaybda dambe gool madi ah helin Barcelona.
Dhamaadkii ciyaarta ayay Barcelona ku doodday in rikoodhe ay xaq u lahayd markii uu Ferland Mendy gacanta soo qabsaday Martin Braithwaite oo si degdeg ah dhulka ugu dhacay, laakiin VAR ayaan wax jawaab ah ka bixin doodda Barcelona.
Kaddib markii ay ciyaartu soo dhamaatay, Ronald Koeman oo warbaahhinta la hadlay ayaa sheegay in kooxdiisa uu garsooruhu ka eexday, ayna ahayd in ciyaartu kusoo dhamaato barbarro 2-2.
“Haddii aad tahay taageere Barcelona ah, waxaad la cadhaysnaanaysaa go’aamada garsooraha.” Ayuu yidhi Ronald Koeman.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Koeman yidhi: “Qaybtii hore si fiican uma aanaan ciyaarin, difaac ahaan iyo weerar ahaanba, laakiin qaybtii dambe ayaanu horumar samaynay.
“Waxa kaliya ee aan su’aal ka qabaa waa garoosoonaha, sababtoo ah, rikoodhe cad ayay ahayd markii uu Mendy qabsaday Braitwaite. Sidoo kale, afar daqiiqadood ayaa ka hadhsanaa markii uu garsooruhu joojiyey ciyaarta laba ama saddex daqiiqadood, si uu u hagaajisto qalabkiisa garabka kaga xidhnaa.
“Rikoodhuhu caddaan ayuu ahaa, hadda se waa in aanu aqbalno oo aanu aamusno.”
Mar la weydiiyey in garsooruhu go’aamiyey natiijada ciyaarta, waxa uu Ronald Koeman ku jawaabay: “Haddii kale, waxay noqon lahayd 2-2.”