RIKOODH: Manchester United & Edinson Cavani Oo Rikoodho Taariikhi Ah

Manchester United iyo Edinson Cavani ayaa mid walba gaarkiisa u sameeyey taariikh u gaar ah, kaddib kulankii ay xasuuqa 6-2 ah ugu geysteen Roma oo marti ugu ahayd Outdated Trafford lugta hore ee semi-finalka Europa League.

Edinson Cavani iyo Bruno Fernandes ayaa min laba gool u dhaliyey Manchester United, waxaana goolal kale kusii daray Paul Pogba iyo Mason Greenwood, waxaanay Purple Devils barbarraysay rikoodh taariikhi ah oo tartamada Yurub ah oo yaallay muddo 57 sannadood ah.

Muxuu yahay rikoodhka Manchester United ay barbarraysay?

United ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay taa kulan semi-final tartamada Yurub ah ka dhalisa lix gool tan iyo sannadkii 1964kii, markaas oo Actual Madrid ay lix gool dhalisay.

6 – @ManUtd have scored six objectives in a single match in European competitors for the primary time since netting seven in opposition to Roma in April 2007; they’re the primary facet to internet as many in a serious European semi-final since Actual Madrid within the European Cup in Could 1964. Enjoyable. #UEL pic.twitter.com/xpRgCbl2Rd

— OptaJoe (@OptaJoe) April 29, 2021

Manchester United waxa kale oo ay u ahayd kulankii ugu horreeyey ee lix gool ama ka badan ay ka dhaliso tartamada Yurub tan iyo sannadkii 2007, markaas oo Roma ku karbaashtay 7-1 ciyaar ka tirsanayd tartanka Champions League.

Rikoodhka uu jabiyey Cavani

Labada gool ee ugu dambeeyey ee uu dhaliyey Edinson Cavani, waxay usii kordhiyeen tirada goolasha uu saxeexay intii uu xidhnaa shaadhkha Manchester United oo ah 12 gool, 33 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay, waxaana uu hadda noqday ciyaartoygii ugu da’da weynaa ee laba gool ka dhaliya semi-finalka Europa League/Champions League tan iyo sannadkii 2005.

34 – At 34 years and 74 days, Edinson Cavani is the oldest participant to attain a brace on the semi-final stage or past in main European competitors since Philip Cocu (34y 187d) for PSV vs Milan within the Champions League semi-finals in 2004-05. Wily. #UEL

— OptaJoe (@OptaJoe) April 29, 2021

Philip Cucu ayaa haystay rikoodhkan uu xalay soo qabtay Cavani, kaas oo sannadkii 2005 laba gool ka dhaliyey AC Milan kulan ka tirsanaa tartanka Champions League isagoo u ciyaarayay PSV, waxaanay da’da Cucu waqtigaas ahayd 34 sannadood iyo 113 maalmood, halka Cavani uu bishii February 34 jir noqday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More