Real Madrid Oo Rumaysan In Manchester United Mar Horeba Heshiis La
Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayuu kusii kordhayaa walaaca la xidhiidha difaaceeda Raphael Varane, waxaanay rumaysan tahay inuu mar horeba heshiis la gaadhay Manchester Untied oo uu ku biirayo.
Los Blancos ayaa dhawr jeer isku dayday inay Varane la yeelato wada-hadallo ay ugu kordhinayso heshiiskiisa oo ku eg dhamaadka xilli ciyaareedka dambe, isla markaana sannad kaddib si xor ah uga tegi karaya.
Laba jeer oo dalab heshiis cusub ah ay hordhigtay Real Madrid ayaanu Varane ogolaanin, waxaana kaga sii daran in xataa aanu wax xidhiidh ah la lahayn madaxweynaha kooxda, taas oo walaac weyn ku haysa Perez, sida uu qoray wargeyska El Confidencial.
Warka ayaa intaa ku daray, in 28 jirkan reer France uu aamusni kaga jiro mustaqbalkiisa, jawaabna uu ka bixin la’yahay dalabyada kooxdiisa, taasina walaac ku abuurayso Real Madrid.
El Confidencial waxa uu intaa ku daray, in go’aanka Raphael Varane uu yahay in aanu heshiis cusub u saxeexin Real Madrid oo uu iskaga tago xagaagan ama dhamaadka xilli ciyaareedka oo uu si xor ah ku bixi doono haddii la iibin waayo xagaagan.
Real Madrid ayaa dhinaceeda rumaysan in Varane ay uga dhamaatay Santiago Bernabeu oo uu Manchester United heshiis lasii gaadhay, isla markaana ay ku qasban yihiin inay iibiyaan xagaagan si ay uga badbaadaan inuu si xor ah kaga tago sannad kaddib.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa isku dayayaya inuu ku qanciyo difaacan reer France inuu sii joogo kooxda oo uu heshiis cusub saxeexo, hase yeeshee kalsooni badan lagama qabo inay taasi dhici doonto.
Si kastaba, Los Blancos ayaan diyaar u ahayn inay lacag sahlan ku fasaxdo Varane, sidoo kalena diyaar uma aha inay ogolaado inuu si xor ah uga tago, waxaana la rumaysan yahay inay ku fasixi karayso laacibkan lacag gaadhaysa 50-60 milyan oo Euro.