Real Madrid Oo Kaalinta Labaad Kala Baxday Barcelona, Atletico Oo Ay

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo gashay kaalinta labaad ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo ay kala baxday Barcelona, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Eibar oo ay ku qaabbishay garoonka Alfredo Di Stefano.

Real Madrid ayaa guul ay u qalmaysay ku qaadatay saddexda dhibcood iyadoo tababare Zinedine Zidane uu kusoo galay shax ay ka muuqatay in uu isha kusii hayo ciyaarta Liverpool ee Salaasada, taas oo uu usii dhigtay Raphael Varane, beddello degdeg ahna waqti hore u sameeyey.

Daqiiqaddii afraad ee bilowga ciyaarta ayuu Karim Benzema ka daba baxay difaaca Eibar isagoo kubadd qurux badan ka helay Luka Modric, waxaanay isku kaliyeysteen goolhaye Dmitrovic hase yeeshee si kubaddaas ayaa uu goolhayuhu ku guuleystay in uu iska difaaco.

Benzema ayaa qaladkiisa hore saxay afar daqiiqadood oo kale kaddib, waxaanu shabaqa Eibar ku hubsaday kubbad uu Marcelo usoo farsameeyey, hase yeeshee uu dabbaal-degga bilaabay ba waxa uu arkay calanka oo taagan, isla markaana muujinaya in uu offside ku jiray.

Marco Asensio ayaa birta garaacay markii uu laad xor oo dhinaca bidix ahaa uu ka qaatay Lucas Vazquez, laakiin Eibar ayaa markaas kaddib heshay fursad dahabi ahayd oo ay iyaduna iska lumisay.

GOOOAAAALLLL!!! Real Madrid 1-0 Eibar – Marco Ansesio ayaa jabiyey derbigii ka hor-taagnaa goolka, waxaana daqiiqaddii 38aad uu gool u beddelay kubbad uu ka helay Casemiro, taas oo uu goolhaye Dmitrovic ay laynka dughiisa ugu tartameen, uuna mar kale kaga lug horreeyey.

Qaybtii dambe ayuu Zinedine Zidane sameeyey beddello degdeg ah, waxaanu saaray Luka Modric iyo Marco Asensio isagoo keenay Toni Kroos iyo Rodrygo Goes, waxaanay isbeddel muuqda ku sameeyeen qaab ciyaareedka kooxda.

Da’yarka Sergio Arribas ayaa si xarrago leh usoo shaqeeyey, waxaana dedaalkiisa uu ku helay inuu kubadda dhaafiyo goolhaye Dmitrovic, laakiin laacibkan ayaa dhinaca ka arkay calanka oo taagan oo muujinaya inuu offside ku jiray ka hor intii aanu kubaddaba helin.

Karim Benzema ayaa hoggaanka u dheereeyey Real Madrid daqiiqaddii 73aad, markaas oo uu gool u beddelay kubbad uu caawinteeda lahaa Vinicius Junior oo beddel kusoo galay.

Laacibka reer France ayaa xilli ciyaareedkani u yahay mid uu goolka la saaxiibay, waxaana toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey uu si xidhiidh ah u dhalinayay goolal, isagoo toddobaadaas kulanna dhaliyey sagaal gool.

Real Madrid ayaa guushani keentay kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga, waxaanay saddex dhibcood oo kaliya ka dambaysaa Atletico Madrid oo berri la ciyaari doonta Sevilla, halka Barcelona oo Isniinta ciyaari doontana ay dhaaftay hal dhibic.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More