Real Madrid Oo Jawaab Cad Ka Bixisay Hadalkii Kasoo Yeedhay

5

Real Madrid ayaa si cad ugu jawaabtay xiddiga reer France ee Paul Pogba oo sheegay inuu ku riyoonayo inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu, xilli heshiiskiisa Manchester United uu sii dhamaanayo oo sannadkii ugu dambeeyey socdo.

- Advertisement -

Pogba oo xili ciyaareedkii hore inta ugu badan u jiifay dhaawacyo ayaa waxa uu dib ugu soo noqday safka kooxdiisa bilowga xili ciyaareedkan oo uu si wanaagsan ula haysto, laakiin waxa uu bambo ku dhex tuuray naadigiisa xilli ay ka walaacsan yihiin waqtigiisa dhamaadka ku dhow, waxaanu u sheegay in ‘riyadiisu tahay Madrid’ oo uu ka ciyaaro.

Laakiin kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa si cad ugu jawaabtay, waxaanay u sheegtay in xagaaga dambe ee 2020/21 aanay qorshaha ugu jirin inay Paul Pogba lasoo saxeexdaan.

Sida uu daabacay wargeyska AS, Real Madrid dareenkeeda kuma jiro Pogba, laakiin waxa uu Zidane bartilmaameedsan doonaa saxeexyo kale oo ka da’yar, waxtabar badanna kusoo kordhin doona safkiisa.

Weeraryahanka Kylian Mbappe ayuu wargeysku sheegay inuu noqonayo bartilmaameedka koowaad ee Zidane, ayna ka shaqayn doonaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen saxeexa laacibkan, marka loo eego Pogba.

Heshiiska uu Paul Pogba kula jiro Manchester United oo ku eg June 2021 ayay Red Devils ka shaqaynaysaa sidii ay ugu kordhin lahayd, waxa se kooxda tababare Ole Gunnar Solkskjaer niyadsamaanta siinaya inay haystaan sannad kale oo doorasho ah oo ay qandaraaskiisa ku kordhin karaan.

Si kastaba, Paul Pogba ayaa hore ugu jiray liiska ciyaartoyda ay dusha kala socotay Real Madrid, waxaana marar badan si cad uga  hadlay Zidane oo sheegay inuu yahay ciyaartoy wanaagsan oo koox kastaaba ay jeclaan lahayd inay hesho, laakiin uu hadda yahay ciyaartoy Manchester United ka tirsan oo aanu wax intaa ka badan ka odhan karyan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More