Real Madrid Oo Boqortooyo Cusub Dhiseysa, Haaland & Mbappe

Real Madrid ayaa lagu waramayaa inay qorsheyneysa inay seddex xiddig la soo wareegto iyagoo abuuraya jiilka cusub ee Galacticos marka ay la soo wareegaan Kylian Mbappe, Erling Haaland iyo Eduardo Camavinga.

Los Blancos ayaa heysata lacag kaash ah oo ay qarashgareeyeen xagaaga danbe ka dib markii ay ku guuldareysteen inay hal saxiix sameeyaan xagaagan sababo la xiriira Korona Fayras halka xiddigihii diirada u saarnaa ay ahaayeen kuwa aan la heli karin.

Sida ay sheegtay wargeyska AS, kooxda Zinedine Zidane ayaa ugu cadcad saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Haaland marka uu go’aansado inuu ka tago kooxda Jarmalka.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe inuu isna diirada u saaran yahay Zizou.

Dhanka kale xiddiga kooxda Rennes ee lagu magacaabo Camavinga ayaa weli bartilmaameed u ah Real Madrid iyagoo raadinaya bedelka Luka Modric.

Real Madrid ayaa dooneysa seddex xiddig si ay u abuuraan jiil cusub oo Galacticos ah.

Haddii Los Blancos ay hesho xiddigahaan xiisaha leh ee da’da yar waxay noqon doonaan mid ka mid ah kooxaha ugu halista badan Yurub.

Thibaut Courtois ayaa sii ceshan doona booskiisa goolka halka Dani Carvajal uu sii ahaan doono daafaca midig iyadoo Ferland Mendy uu booska daafaca bidix kala wareegi doono Marcelo.

Labada daafac dhexe waxay u badan tahay inay noqon doonaan Sergio Ramos iyo Raphael Varane madaama ay isfaham weyn sameysteen.

Burburiyaha khadka dhexe Casemiro ayaa ka horeyn doona afarta daafac danbe iyadoo Toni Kroos iyo Camavinga ay khadka dhexe maamuli doonaan.

Eden Hazard wuxuu kori doonaa garabka bidix ee weerarka halka Mbappe lagu ciriirin doono garabka midig inkastoo booskaas uusan aheyn booskiisa dabiiciga ah.

Inkastoo Karim Benzema uu wacdarro dhigayo hadana wuxuu kursiga keydka u geli karaa Erling Haaland.

Xiddigo kale oo waa weyn ayaa kursiga keydka fariisan doona sida Benzema, Vinicius Jr, Isco iyo Gareth Bale haddii uu sii joogo kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More