RASMI: Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Xiddigaha Real Madrid Ee
Zinedine Zidane ayaa go’aansaday in aanu halis gelinin xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard oo uu siiyo waqti badan oo uu tababarka ku qaato, waxaanu ka reebay liiska ciyaartoydiisa ee kulanka Eibar ee Sabtida berri, laakiin waxa uu kusoo daray kubbad-sameeyaha reer Germany ee Toni Kroos.
Labadan ciyaartoy ayaa tababarka kooxda kusoo laabtay Jimcihii maanta iyagoo shalayna si aan dhamaystirnayn layliska ula sameeyey ciyaartoyda, waxaana uu Zinedine Zidane si buuxda ugu qancay in Kroos uu taam u yahay kulanka Eibar.
Eden Hazard ayaa muujiyey astaamo soo kabasho buuxa, laakiin dhaawacyada tirada badan ee ku habsaday iyo in isagoo hal ciyaar kaliya dheelay oo uu dhaawac dib ugu noqday dhowaan, waxa Los Blancos ay ka fogaanaysaa in ay khatar geliso illaa uu si buuxda jidh ahaan diyaar ugu noqdo.
Real Madrid oo ay kusoo fool leeyihiin kulamada Liverpool ee April 7 iyo Barcelona ee April 10 oo ay ugu xigayso lugta labaad ee Liverpool, waxay rajaynaysaa in Hazard uu diyaar u noqon doono kulamadaas dambe.
Xiddigaha Real Madrid ee kulanka Eibar waxa kale oo ka maqan laacibka khadka dhexe ee Fede Valverde oo dhaawac ah, Dani Carvajal iyo Sergio Ramos oo Arbacadii dhaawac kasoo gaadhay isagoo u ciyaaraya xulka qaranka Spain.
Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Eibar
Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.
Difaaca: Eder Militao, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy.
Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Isco, Sergio Arribas.
Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.