RASMI: Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka Levante Oo Lasoo Saaray

Ronald Koeman ayaa magacaabay liiska ciyaartoydiisa ee kulanka habeen dambe ay la ciyaari doonaan Levante, kaas oo ay u baahan yihiin in ay guul ka keenaan si ay hoggaanka horyaalka si ku-meelgaadh ah ugula wareegaan.

Barcelona ayaa dib u heshay laacibka khadka dhexe ee Sergio Busquets oo uu wajiga dhaawac kasoo gaadhay kulankii Atletico Madrid, kaas oo si toos ah loogu qaaday cusbitaalka Sabtidii kaddib markii ay isku dhaceen Stefan Savic.

Busquets ayaa u baahnaan doona in uu xidho ilaalo-waji oo ka qabata jugo kale, laakiin Koeman ayaa ka fiirsan doona haddii uu laacibkan ciyaarsiin doono.

Laacibkan ayaa tababarka kooxda la qaatay, waxaana uu Koeman go’aansaday in uu kusoo daro liiska ciyaartoydiisa maadaama kulankani uu xaasaasi u yahay oo aanay dhibco kale lumin karin.

Liiska ciyaartoyda Barcelona ee maanta la shaaciyey ayaa waxa uu la mid yahay midkii Atletico Madrid, mana jiraan isbeddello ku dhacay.

Liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka Levante

Goolka: Marc Andre ter Stegen, Neto, Arnau Tenas

Difaaca: Sergino Dest, Gerard Pique, Ronald Araujo, Jordi Alba, Sergi Roberto, Samuel Umtiti, Junior Firpo, Oscar Mingueza, Clement Lenglet

Dhexda: Sergio Busquets, Miralem Pjanic, Riqui Puig, Frenkie de Jong, Pedri, Ilaix Moriba

Weerarka: Martin Braithwaite, Antoine Griezmann, Leo Messi, Ousmane Dembele, Francisco Trincao

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More