RASMI: UEFA Oo Ku Dhawaaqday SIDDEED Garoon Oo Martigelinaya Tartanka

Xidhiidhka kubadda Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay siddeed ka mid ah 12ka magaalo ee martigelinaya tartanka Euro 2020, kuwaas oo ogolaaday in garoomadooda ay taageereyaashu iman doonaan.

Tartankan oo ay ahayd in sannadkii hore la qabto ayaa loo baajiyey fayraska Korona, waxaana isagoo isla magaciisii hore sita la qabanayaa bisha June.

Qorshaha ayaa ahaa in 12 garoon oo ku kala yaalla 12 magaalo ay martigeliyaan tartankan, waxaana wali ay UEFA kusii dheggan tahay hirgelinta qorshahaas oo haddaba siddeed ka mid ah magaalooyinku ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in taageereyaashu garoomada yimaaddaan.

Afarta magaalo ee hadhsan oo kala ah Munich, Rome, Bilabo iyo Dublin ayay UEFA u qabatay in go’aankooda kama dambaysta ah ay soo gudbiyaan 19ka bishan April, waxaana laga sugayaa in kaliya ay kala caddeeyaan haddii ay ciyaarahan martigelinayaan iyo haddii iyagoo taageereyaashu imanayaan garoomada ay ciyaarahani ka dhacayaan.

Ciyaaraha Euro 2020 ayaa bilaabmi doona June 11, waxaanay soconayaan muddo bil ah oo ku siman illaa July 11.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ayaa April 7, waxa uu ka dalbaday magaalooyinka in ay aqbalaan in taageereyaashu yimaaddaan garoomada, waxaana kasoo jawaabay siddeed magaalo. 

London, Glasgow, Dublin, Amsterdam, Copenhagen, St Petersburg, Bilbao, Munich, Budapest, Baku, Rome iyo Bucharest ayaa dhamaantood UEFA u xaqiijiyey in ay fasaxeen in garoomadooda ay taageereyaashu soo galaan.

Magaalada Budapest ayaa garoomadeeda loo fasaxay in taageereyaashu soo buuxiyaan garoomada, halka Baku iyo St Petersburg ay kala badh buuxsamayaan, inkasta oo Ruushku ka fiirsanayo in uu kordhiyo tiradaas.

Hungary, Azerbaijan iyo Russa ayaa soo rogaya xayiraado la xidhiidha taageereyaasha dibedda ka imanaya, waxaanay kaliya ogolaanayaan in waddamooda ay yimaaddaan taageereyaasha wata tigidhka daawada ciyaaraha ee ay garoonka ku gelayaan.

Amsterdam, Bucharest, Copenhagen iyo Glasgow ayaa iyaguna xaqiijiyey in tirada ugu yar ay ogolaanayaan, waxaana garoomadooda iman doona tiro u dhaxaysa 25%-33%, inta kalena way bannaanaan doonaan.

Garoonka Wembley ee magaalada London oo martigelinaya toddoba ciyaarood oo ay ka mid yihiin semi-finalada iyo finalka, qaarkoodkiisuna yahay 90,000 qof ayaa la filayaa in aan la buuxin doonin, waxaanay dawladda UK fasaxday in 10,000 qof ay iman karaan garoomada laga bilaabo badhtamaha bisha May.

Laakiin garoonkan weyn ayay UEFA ka filaysaa in ugu yaraan 20,000 qof ay yimaaddaan, haddii aan lagasii badinin.

Magaalooyinka martigelinaya tartanka

London, England

Glasgow, Scotland

Dublin, Republic of Ireland

Amsterdam, Netherlands

Copenhagen, Denmark

St Petersburg, Russia

Bilbao, Spain

Munich, Germany

Budapest, Hungary

Baku, Azerbaijan

Rome, Italy

Bucharest, Romania

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More