RASMI: UEFA Oo Ku Dhawaaqay Afarta Ciyaaryahan Ee Ku Tartamaya Xiddiga

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay liiska afarta xiddig ee ku tartami doona abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiicnaa toddobaadkan UEFA Champions League.

Iyadoo xalay iyo habeen hore  la ciyaaray kulamada Champions League ee wareega siddeed dhammaadka gaar ahaan lugta hore ayay guulo gaadheen kooxaha kala ah Manchester City, Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Chelsea.

Afarta xiddig ee kusoo baxay liiska ayaa sidii caadiga ahayd xiddigihii ku guuleystay ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulankaas balse xiddiga Chelsea ee Jorginho ayaa isagu saddexda kale kaga duwan inuusan wax gool ah kasoo dhalinin ciyaartaas walow uu caawin iyo qaab ciyaareed heer sarre ah kusoo dhalaalay.

Kylian Mbappe ayaa ahaa kala duwanaanshaha Bayern Munich iyo PSG ee xalay isaga oo markale garoon weyn oo Yurub ah isku muujiyay kaddib laba gool oo uu la gaadhay shabaqa Manuel Neuer ciyaar 3-2 kusoo dhammaatay oo xiisaheeda lahayd,

Xiddig kale oo isaguna wacdarro soo dhigay ayaa ah Vinicius Junior kaas oo habeen hore kooxdiisa Real Madrid meel ka saaray dhigeeda Liverpool oo ay 3-1 uga adkaadeen ciyaar Alfredo Di Stefano ka qabsoontay.

Xiddiga afraad ee dhammaystiray liiska ayaa ah Kevin De Bruyne, kubad sameeyaha ree Belgium ayaa shabaqa kasoo taabtay Borussia Dortmund habeen hore isaga oo kasoo dhaliyay goolkii furitaanka ciyaar 2-1 kusoo idlaatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More