RASMI: Real Madrid Oo Xaqiijisay Saxiixa Mbappe

0

Real Madrid ayaa xaqiijisay inay Kylian Mbappe kula soo wareegtay beeca xorta ah, iyadoo xiddiga reer France uu qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo uu ku joogo Bernabeu.

- Advertisement -

Saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in heshiis uu socday tan iyo bishii February, iyadoo Mbappe uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixa PSG.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa dooneysay inay sugaan ilaa iyo 2024 ka dib finalka Champions League ka hor inta aysan ku dhawaaqin inay la soo wareegeen Mbappe, kaasoo beeca xorta ah ugu dhaqaaqay caasimada Spain.

Los Blancos ayaa bayaan ay soo dhigtay website-keeda rasmiga ah ku xaqiijisay in Mbappe uu ogolaaday heshiis dhacaya xagaaga 2029-ka.

“Real Madrid CF iyo Kylian Mbappe waxay gaadheen heshiis uu ku noqonayo ciyaartoy Real Madrid shanta xilli ciyaareed ee soo socda,”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More