RASMI: Real Madrid Oo Shaacisay AFARTEEDA Kabtan Ee Cusub & Dani

Dani Carvajal ayaa kordhiyey heshiiskii uu kula jiray kooxdiisa Real Madrid, waxaanu qalinka ku duugay qandaraas cusub oo soconaya saddex sannadood oo kusii haynaya Santiago Bernabeu illaa laga gaadhayo sannadka 2025ka.

Difaacan midig oo xilli ciyaareedkii hore dhaawacyo ragaadiyeen, ayaa wali ah dookha koowaad ee booskaas ee aan lagu muransanayn, waxaana uu mustaqbalkiisa u damaanad-qaaday Madrid.

Real Madrid oo xagaagan lumisay kabtankeedii Sergio Ramos iyo Raphael Varane oo ku jiray liiska kabtannada kooxda ayaa waxay ka gaashaamatay in ay samayso qalad la mid ah kuwii ay labada difaac ku weyday oo ay sugtay illaa intii ay heshiisyadoodu dhamaanayeen [Ramos ayuu dhamaaday] ama uu sannadkii ugu dambeeyey madaxa la gelayo [Varane ayay 11 bilood ka hadhsanaayeen dhamaadka qandaraaskiisa].

Dani Carvajal ayaa joogay Real Madrid muddo 20 sannadood ah, waxaana isagoo aad u da’yar uu ku biiray kulliyadda Madrid ee La Fabrica illaa sannad amaah ah loogu diray Bayer Leverkusen oo uu Carlo Ancelotti kasoo celiyey xilli ciyaareedkii 2013/14, wixii ka dambeeyeyna wuxuu ahaa ciyaartoy rigli ah.

Siddeeddii sannadood ee ugu dambeeyey ayuu Carvajal ahaa difaaca midig ee aan lagu muransanayn ee kooxda oo uu haystay boos  joogto ah, waxaanu kula guuleystay afar Champions League, laba horyaal iyo koobab kale oo iskugu jiray kuwa dalka gudihiisa iyo bannaankaba oo ay ku jiraan saddex Fifa Club World Cup.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa  si rasmi ah ugu dhawaaqday kabtankeeda cusub iyo saddexdiisa ku xigeen iyadoo la buuxiyey boosaskii Ramos iyo Varane oo kala ahaa kabtanka koowaad iyo kabtanka afraad.

Marcelo ayaa noqday kabtanka koowaad ee Real Madrid, waxaana ku xiga Karim Benzema, Nacho Fernandes iyo Luka Modric.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More