RASMI: Pep Guardiola Oo Warkii La Sugayay Kasoo Yeedhay Iyo Haddii

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay haddiiba xiddiga laf-dhabarta u ah kooxdiisa ee Kevin De Bruyne uu taam buuxa u yahay kulanka Final-ka Carabao Cup ee ay berri la balansan yihiin dhigooda Tottenham oo uu ugu xigi doono kulanka afar dhammaadka Champions League ee PSG.

De Bruyne ayaa ahaa mid shaki ku jiro taam ahaanshihiisa laba kamida kulamada ugu waaweyn ee ay xilli ciyaareedkan ciyaarayso City oo ah Final-ka berri iyo ciyaarta lugta koowaad ee afar dhammaadka CL ee Parc des Princes ka dhacaysa.

29 sano jirkaas oo ku dhaawacmay ciyaartii afar dhammaadka FA Cup ee Chelsea ayaa ka baxay garoonka daqiiqadii 48-aad isaga oo intaas kaddib seegay kulankii Aston Villa ay 2-1 uga soo adkaadeen Arbacadii.

Waxa jiray cabsiyo ah inuu kulamada xasaasiga ah ee toddobaadkan seegayo balse macalin Guardiola ayaa niyada u dajiyay taageerayaasha kooxdiisa isaga oo u sheegay in Kevin iyo Sergio Aguero labaduba ay diyaar u yihiin ciyaarahaas muhiimka ah.

Aguero oo sida uu isagu shaaciyay iskaga tagaya Sky Blues dhammaadka xilli ciyaareedkan ayaa lasoo dhibtoonayay dhaawac muruqa ah isaga oo guud ahaan xilli ciyaareedkan la dhibanaa dhaawacyo is-daba joog ah.

Guardiola oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka horreeya kulanka Spurs ee habeen dambe ayaa yidhi “Labadooduba (Waa diyaar), maanta way tababarteen, berri go’aan ayaanu gaadhaynaa”

City oo xilli ciyaareedkan saddexley koobab ah ku guuleysan karta ayaa siddeed dhibcood oo kaliya u jirta si ay ugu guuleysato horyaalkeedii saddexaad ee Premier League ah afar sano gudaheed.

Waxa ay isha ku hayaan inay markii ugu horreysay taariikhdooda ku guuleystaan Champions League halka uu Pep raadinayo koobkaas markiisii saddexaad iyo markiisii koowaad 10 sano kaddib.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More