RASMI: Manchester United Oo Shaacisay Xiddigaheeda Kulanka Adag Ee

Ole Gunnar Solskjaer ayaa u muuqda in dhamaan ciyaartoydiisu ay taam u yihiin, isla markaana ay diyaar u wada yihiin kulanka adag ee ay galabta maanta ku qaabbilayaan Liverpool oo ugu imanaysa Outdated Trafford.

Kaliya Anthony Martial iyo Phil Jones ayaa dhaawac kaga maqan United, laakiin inta kale ee ciyaartoydeeda ayaa badqab ah.

Marcus Rashford oo dhowaanahan taam ahaanshihiisa laga dayrinayay, isla markaana kulamada qaarkood ku baxay dhaawac haddana si degdeg ah uga soo kabanayay oo lagu arkayay ciyaarta xigta, ayaa shalay iska soo xaadiriyey hotelka kooxda, isagoo tababarkana la sameeyey ciyaartoyda, taas  oo ka dhigan in uu diyaar u yahay ciyaarta galabta.

Sawir-qaadeyaal ku sugnaa bannaanka hotelka Lowry Resort ayaa waxay kaamirada la heleen ciyaartoyda kooxda oo kaliya ay ka maqan yihiin Anthony Martial, Phil Jones iyo Daniel James oo isagana la filayo in uu si gaar ah u yimid oo uu kooxda ka dambeeyey.

United oo ku guuleystay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ayay ka go’an tahay in ay niyad-jabka kusii kordhiyo kooxda ay dunida iskugu neceb yihiin ee Liverpool, taas oo haddii ay ka badiyaan rajo la’aan ka noqon doonta in ay kasoo qayb gasho tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Reds oo toddoba dhibcood ka dambaysa Chelsea oo kaalinta afraad fadhida xilli dhamaadka xilli ciyaareedkana afar kulan oo kali ahi ka hadhsaan doonaan, ayaa haddii ay guuleysan weydo si dhab ah uga quusan doonta in ay xilli ciyaareedka dambe kasoo qayb-gasho Champions League.

Manchester United ayaa iyaduna guul ay hesho, waxay dib ugu dhigi doontaa waqtiga Manchester Metropolis ay horyaalka ku guuleysanayso.

Xiddigaha Manchester United ee kulanka Liverpool ee maanta

Goolka: David de Gea, Dean Henderson, Lee Grant.

Difaaca: Luke Shaw, Harry Maguire, Brandon Williams, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka, Axel Tuanzebe, Alex Telles, Eric Bailly.

Dhexda: Paul Pogba, Bruno Fernandes, Fred, Donny van de Beek, Juan Mata, Nemanja Matic, Scott McTominay.

Weerarka: Edinson Cavani, Marcus Rashford, Amad, Mason Greenwood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More