RASMI: La Liga Oo Xaqiijiyey Waqtiga La Shaacinayo Isku-aadka

Maamulka horyaalka Spain ee La Liga ayaa shaaciyey waqtiga uu soo baxayo isku-aadka horyaalka ee xilli ciyaareedka 2021/22 iyo kan heerka labaad ee loo yaqaano La lIGA sMARTBANK.

Toddobaadkii hore ayuu xidhiidhka kubadda cagta Spain sheegay in horyaalka LaLiga uu bilaabmi doono maalinta Axadda ee August 15 oo ah hal maalin kaddib waqtiga uu bilaabmayo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Isku-aadka horyaalka Spain ayaa waxa la samayn doonaa Arbacada foodda inagu soo haysa ee June 30, waxaana si buuxda warbaahinta loogu soo bandhigi doonaa jadwalka oo dhamaystiran inkasta oo waqtiga kulamadu soo dhacayaan uu isbeddel ku iman karayo, gaar ahaan saacadda.

LaLiga ayaa xaqiijin doona 38 usbuuc oo koox walba ay ciyaari doonto iyo sida uu noqonayo jadwalkoodu, waxaana si gaar ah taageereyaashu dhegta ugu taagayaan waqtiga ay noqon doonaan kulamada kooxaha waaweyn.

Atletico Madrid oo horyaalka difaacanaysa ayay jamaahiirtu doonayaan inay arkaan qaabka ay ku bilaabato xilli ciyaareedka cusub iyo waqtiga ay la kulmi doonaan Real Madrid iyo Barcelona.

El Clasico oo ah kulamada xiisaha badan ee laga ciyaaro Spain ayaa iyagana si gaar ah isha loogu haynayaa maadaama labada kooxoodba ay ku dhaceen isbeddello badan.

Real Madrid ayuu xilli ciyaareedku u bilaabmi doonaa iyadoo aanay joogin Sergio Ramos oo 16 sannadood kaddib ka tegay kooxda iyo Zinedine Zidane oo iska casilay xagaagii, kaas oo uu beddelay Carlo Ancelotti.

Barcelona ayaa waxa dhinaceeda yimid ciyaartooyo waaweyn sida Memphis Depay, Sergio Aguero iyo Eric Garcia, laakiin tababare Ronald Koeman ayaa ku negaaday oo shaqadiisa sii wadanaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More