RASMI: Group-ka Ay Xulka Soomaaliya Ka Ciyaari Doonto Haddii Ay Ka Soo

FIFA ayaa si rasmi ah u shaacisay isku aadka wareega group-yada FIFA Arab Cup 2021 iyadoo xulka Soomaaliya lavatory sii sheegay group-ka ay ka dheeli doonaan haddii ay ka soo gudbaan kulanka isreebreebka ee ay la banasan yihiin xulka Oman.

14ka xul ee ugu qiimeyn hooseeya wadamada carabta ayaa isreebreeb soo galaya ka hor inta aysan ka qeyb gelin koobka Arab Cup 2021 oo ka dhacaya dalka Qatar sannadkan.

Soomaaliya waxay isreebreebka la dheeli doontaa Oman halka xulka Jabuuti ay isreebreebka la balansan yihiin xulka Lubnaan.

Haddii Soomaaliya ay ka soo gudubto Oman waxay qeyb ka noqon doontaa Group A oo ay kula wehliyaan xulka martigeliyayaasha Qatar, Iraq iyo xulkii soo baxa Bahrain ama Kuwait.

Jabuuti haddii ay ka soo gudubto Lubnaan waxay geli doontaa Group D oo ay sidoo kale ku jiraan Algeria, Masar iyo xulkii soo baxa Sudan ama Libya.

ISKU AADKA WAREEGA GROUP-YADA OO DHAMEYSTIRAN:Group A

Qatar

Iraq

Somalia ama Oman

Bahrain ama Kuwait

Group B

Tunisia

UAE

Syria

Mauritania ama Yemen

Group C

Morocco

Saudi Arabia

Jordan ama South Sudan

Falastiin ama Comoros

Group D

Algeria

Masar

Lubnaan ama Jabuuti

Libya ama Sudan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More