Waa Kuma Garsooraha El Clasico Ee Real Madrid Iyo Barcelona

Garsooraha dhexdhexaadinaya kulanka adag ee El Clasico ee Sabtida ay foodda isku darayaan Actual Madrid iyo Barcelona ayaa la shaaciyey, waana xaakim aan kugu cusbayn oo hore usoo qabtay kulamo waaweyn.

Maamulka LaLiga ayaa kulankan u magacaabay in uu qabto garsoore uu kaadhku kasoo horreeyo oo aan ciyaartoyda u aabbo yeelin, horena ciyaartooyo waaweyn garoomada uga saaray.

Ciyaarta El Clasico ee Sabtida oo lagu tilmaamay middii kala saari lahayd kooxaha ku loollamaya horyaalka, ayaa waxay kusoo beeganay xilli ay Barcelona laba dhibcood ka horreyso Actual Madrid oo ay kaalinta labaadna fadhido, isla markaana hal dhibic kaliya ka dambayso Atletico Madrid oo hoggaanka haysa.

Barcelona oo wareeggii 16ka kaga hadhay Champions League ayaa dedaalkeeda oo dhan iskugu geynaysa horyaalka LaLiga oo ay hadda tahay kooxda bathroom saadaalinayo, laakiin Actual Madrid ayaa iyaduna laba dhibcood oo kaliya ka dambaysa, isla markaana qaab ciyaareed fiican kusoo jirtay kulamadii ugu dambeeyey.

Zinedine Zidane oo ay si la mid ah Barcelona dhibaatootay bilowgii xilli ciyaareedka ayaa xalay guul weyn ka gaadhay Liverpool oo ay lugta hore ee wareegga siddeedda kaga badisay 3-1, taas oo siinaysa niyad dhis ka hor kulanka Barcelona.

Guddida Farsamada iyo garsooreyaasha ayaa ciyaartan u magacaabay in uu dhexdhexaadiyo garsooraha caanka ah ee Mateu Lahoz oo lagu yaqaano in kaadhka aanu kala gabbanin ciyaartoyda, wax saayiraad ahna aanu samaynin.

Lahoz ayaa noqon doona garsooraha dhexe ee ciyaarta, waxaase uu caawin ka heli doonaa Soto Grado oo bathroom doortay in uu noqdo garsooraha VAR.

Ka hor kulanka El Clasico, Lahoz ayaa indhaha taageereyaashu qaban doonaan, laguna qiimaynayaa ciyaarta Bayern Munich iyo PSG ee caawa oo isaga bathroom doortay in uu dhexdhexaadiyo.

Si kastaba, ciyaartii bishii December ee bilowgii xilli ciyaareedka ayey Barcelona iyo Actual Madrid ku kala baxeen barbarro goolal la’aan ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More