RASMI: European Super League Oo Lagu Kala Yaacay, Laba Kooxood Oo Kale
Waxa halkooda kasii socda kooxaha sida xidhiidhka ah uga dareeraya tartanka dhawaan lagu dhawaaqay ee European Super League kaas oo ahaa mid ay ugu horreynba saxeexeen inuu hirgalo 12 kamida kooxaha ugu fiican Yurub halka ay hadda kaliya laba kooxood baaqi ku yihiin.
Xalay ayay ahayd markii lixda kooxood ee tartanka kaga jiray horyaalka Premier League oo cadaadis ba’an kala kulmay jamaahiirtoodu ay si xidhiidh ah markaliya uga baxeen tartanka.
Waxa maanta soo raacay kooxaha ka kala socday magaalooyinka Madrid iyo Milan ee Atletico Madrid iyo Inter Milan kuwaas oo iyaguna markooda raaligelin siiyay taageerayaashooda.
Haddaba, iyadoo ay wali jireen kooxo ku hadhsan tartanku ayay hadda markooda ka fadhiisteen kooxaha ree Talyaani ee Juventus iyo AC Milan taas oo ka dhigan in kooxaha ree Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ay yihiin kuwo cidlo taagan.
Madaxa ahna mulkiilaha Juventus ee Andrea Agnelli ayaa kamid ahaa asaasayaasha aadka ugu madax adaygayay inuu tartankaasi si kastaba ku suurogali doono balse goor dhawayd qirtay in haddii ay baxeen lixdii kooxood ee England aysan lixda kale horyaal noqon karayn
Kooxaha ree Spain ee ku hadhsan tartanka ayaa iyaga lagu sifeeyay kuwo riixayay qorshaha maadaama oo ay doonayeen inay daymaha iyo dhaqaale xumada ay galeen kaga baxaan loolankaas ay lacagta badan ka samayn lahaayeen.
Your browser does not support the audio element.