RASMI: Barcelona Oo La Wareegtay Messi-ga Austria & Faah-Faahinta

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay inay saxeexa xiddiga lagu naanayso Austrian Messi ee Yusuf Demir kala heshiisay kooxdiisa Rapid Vienna oo ahayd mid uu isku soo muujiyay xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay.

18 sano jirkaas ayaan toos ugu biirayn kooxda koowaad ee Barcelona balse waxa marka hore laga diiwaan gelin doonaa Barca B.

Demir ayaa marka hore Barcelona ugu biiraya hal xilli ciyaareed oo amaah ah oo ay ka bixinayso lacag dhan 500,000 oo euro halka ay xilli ciyaareedka dambe awood u leedahay inay si rasmi ah 10 Milyan oo euro ugula wareegto.

Khadkaas dhexe ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay u ciyaarayay kooxda koowaad ee Rapid Vienna isaga oo 31 kulan oo uu soo metelay kooxdaas lix gool ugu soo dhaliyay.

Intaas waxa dheer in Yusuf uu leeyahay khibrad caalami ah maadaama oo uu kasoo muuqday xulka koowaad ee dalkiisa Austria.

Marka laga yimaado inuu booska no10 ka ciyaari karo sidoo kale Yusuf Demir ayaa ah mid labada garab weerarba kasoo dhalaali kara waana sabab ka caawin karta inuu kooxda koowaad ee Barcelona kulamo metelo xilli ciyaareedka dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More