RASMI: Arsenal vs Chelsea, Tottenham vs Chelsea – Isku-aadka Kulamada

Chelsea ayaa shaacisay kulamada saaxiibtinimo ee xagaagan ee ay iskugu diyaarinayso xilli ciyaareedka, kuwaas oo u bilaabmi doona maalinta Sabtida ee soo socota.

Thomas Tuchel ayaa Cobham kusoo dhoweeyey 28 ciyaartoy oo kusoo laabtay tababarka Isniintii, kuwaas oo ay ka maqan yihiin laacibiintii ka qayb-galay tartamada Euro iyo Copa America.

Tababare Tuchel ayay kooxdiisu Sabtida ciyaari doontaa kulankii saaxiibtinimo ee ugu horreeyey xagaagan, waxaanay foodda is-dari doonaan kooxda yar ee Peterborough United oo garoonka tababarka Blues ee Cobham oo albaabadu u xidhan yihiin ay ku wada ciyaari doonaan.

Chelsea ayaa saddex kulan oo saaxiibtinimo ciyaari doonta, waxaana kulanka Sabtida u raacaya laba kooxood oo adag oo derby London ah, kuwaas oo ay isku haleeli doonaan Arsenal iyo Tottenham.

Ross Barkley oo tababarka kooxda kusoo laabtay Salaasadii ayaa tirada ciyaartoyda Chelsea ee diyaarka u ah kulamada saaxiibtinimo ka dhigay 29, waxaana sidoo kale ku jira Edouard Mendy oo kasoo laabtay Senegal, Kepa Arrizabalaga, Hakim Ziyech, Christian Pulisic, Marcos Alonso, Tammy Abraham iyo Callum Hudson-Odoi, kuwaas oo dhamaantood diyaar u ah ciyaarta Peterborough United.

Waxa kale oo fursado haysta ciyaarta Sabtida iyo kulamada kale ee xiga laacibiinta da’da yar ee Marc Guehi, Conor Gallagher, Dujon Sterling, Broja iyo Charly Musonda oo kasoo laabtay dhaawac ragaadiyey.

Kulamada saaxiibtinimo ee Chelsea

July 17, 2021 – Chelsea vs Peterborough United

August 1, 2021 – Arsenal vs Chelsea

August 4, 2021 – Chelsea vs Tottenham

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More