RASMI: Arsenal Oo Shaacisay Heshiis Ay La Gashay Leo Messo

Iyadoo mustaqbalka Lionel Messi ee Barcelona aan wali la go’aamin oo hadal-hayn badan ka taagan tahay, waxa saldhigay mustaqbalka 10 jirka hibada badan lagu tilmaamay ee ay magaca si’ u wadaagaan.

Leo Messo, haa si fiican u akhri magaca oo yaanu kaaga qaldamin midka xiddiga weyn, kani waa 10 jir mustaqbalkiisa ay gacanta  ku dhigtay Arsenal.

Kooxda horyaalka Premier League ee Arsenal ayaa fiidkii xalay waxay ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay canugga 10 jirka ah ee lagu magacaabo Leo Messo.

Laacibkan yar ee hibada badan ayaa hore waqti ugu soo qaatay da’yarta West Ham United oo uu tababarka la qaatay, laakiin wuxuu ugu dambayntii kusoo biiray kulliyadda Arsenal oo uu la bilaabanayo xilli ciyaareedka cusub ee  2021/22.

Leo Messo oo ku dhashay waddanka Kenya, waxa lagu tilmaamaa mid ka mid ah ciyaartoyda da’yarta ah ee usoo baxaysa waddankiisa, laakiin waxa uu sidoo kale u ciyaari karaa xulka qaranka England ee heerka da’yarta ee kala duwan iyo waaweynka marka uu koro, isaga ayaana yeelan doona doorashada waddanka uu u ciyaari doono.

Messo ayaa lagu sawiray isagoo ku sugan garoonka tababarka Arsenal, waxaana uu u xidhanayaa No.9 kooxda da’yarta.

Sarkaal ka tirsan Arsenal ayaa laacibkan yar waxa uu kusoo bandhigay xarunta kooxda, waxaana sawir lagaga qaaday isagoo guddoonsiinaya shaadhka iyo lambarka uu kooxda da’yarta u xidhan doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More