RASMI AH: Laba ka mid ah horyaalada ugu waaweyn

Naadiyada waa weyn ee Belgium ayaa dhamaantood u codeeyay inay ku biiraan dariskooda Holland.

Diyaarinta BeNeLeague cusub, oo ay ku jiri doonaan labada dalba, ayaa soo socotay muddo labo sano ah.

25-ka koox ee ugu fiican Belguim ayaa dhamaantood taageeray qorshahooda ku biirista Holland kadib kulankoodii maanta.

Codbixinta ayaa hadda gogol xaar u ah dhammaystirka horyaal cusub oo u dhexeeya labada dal.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen kooxda reer Belgium ayaa lagu yiri: “BeNeLeague waa mid waajib ku ah labada naadi.

“Waxayna abuureysaa horyaal heerka koowaad ah oo leh ruqsad joogto ah iyo sharciyo.”

Horyaalka cusub wuxuu ka koobnaan doonaa 18 kooxood oo ka bilaaban doona 10 koox oo ka socda Netherlands iyo sideed ka socota Beljam.

Waxaa la rumeysan yahay in horyaalkan cusub uu aruurin doono 350 350 milyan oo loogu talagalay xuquuqda baahinta.

Labadaba Dutch Eredivisie iyo Jupiler Pro League hadda waxay soo saaraan wadar ahaan 70 70 milyan xilli ciyaareedkiiba.

BeNeLeague cusub wuxuu noqon doonaa lixaad horyaal dhaqaale ahaan ugu weyn.

Horyaalka Holland iyo Beljim ayaa kaliya ka dambeeya shanta xul ee ugu sareysa England, Spain, Germany, Italy iyo France.

Wali si rasmi ah looma shaacin waqtiga uu bilaaban doono horyaalka cusub ee u dhexeeya Belgium iyo Netherlands.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More