Raphael Varane Oo Qumbulad Ku Tuuray Actual Madrid Ka Hor Kulanka

Difaaca reer France ee Raphael Varane ayaa ka nixiyey kooxdiisa maanta oo Isniin ah xilli uu la hadlayay warbaahinta, isla markaana wax laga weydiinayay kulanka adag ee Chelsea ay kula ballansan yihiin habeen dambe iyo mustaqbalkiisa intaba.

Raphael Varane ayaa seegay labadii lugood ee Actual Madrid ay wareeggii siddeedda kusoo reebtay Liverpool iyo sidoo kale ciyaartii Barcelona ay kaga badiyeen Alfredo Di Stefano, waxaana saddexaad ciyaarood ee adag isku muujiyey Nacho iyo Militao xilli uu maqnaa Sergio Ramos.

28 jirkan ayey hadal hayn ka taagan tahay mustaqbalkiisa Actual Madrid, waxaana albaabadooda u furaya kooxo waaweyn oo Premier League iyo horyaallo kaleba ah.

Heshiiska uu kula jiro Actual Madrid ayaa soconaya illaa sannadka 2022 oo ay ka hadhsan tahay sannad kaliya, waxaana uu wali diiddan yahay in uu saxeexo qandaraas kale.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu qoray in Varane uu ciyaarayo kaadhka bixitaanka Actual Madrid.

Shirkii jaraa’id ee maanta ee ka hor kulanka Chelsea, ayaa Raphael Varane wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa Actual Madrid iyo haddii uu sii joogi doono xilli ciyaareedka dambe, waxaana uu si cad u sheegay in kaliya uu doonayo in xilli ciyaareedkan uu dhamaysto.

Varane ayaa yidhi: “Mustaqbalkaygu wuu cad yahay, waxa yoolkaygu yahay in xilli ciyaareedkan aan dhamaysto. Waxa ugu muhiimsani waa taas.”

Raphael Varane ayaa Actual Madrid ay kasoo iibsatay Lens isagoo da’yar, waxaanu la kowsaday xilli ciyaareedkii 2011-12. Muddada uu joogay Los Blancos waxa uu ku guuleystay wax walba oo uu ciyaartoy hanan karayay, isagoo qarankiisana la qaaday Koobkii Adduunka 2018.

Actual Madrid oo uu shaki kaga jiro in ay xilli ciyaareedka dambe sii haysan doonto Sergio Ramos oo heshiiskiisu ku egyahay bisha June, walina aan la isku af-garanin qandaraas cusub, ayaa waxa kale oo ay halis ugu jirtaa in ay lumis Varane isla xagaagan, taas oo haddii ay dhacdo meesha ka saaraysa laba ka mid ah difaacyadii khadka ugu fiicnaa ee iska soo garab ciyaaray taariikhda kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More